Maxaa ka jira in Qoorqoor mucaaradka ka reebayo tartanka Aqalka Sare?

Dhuusamareeb waxaa buux dhaafiyay Musharixiin badan, oo kursi raadis ah, kuwaasoo uu kamid yahay Xaaf.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka jira in Qoorqoor mucaaradka ka reebayo tartanka Aqalka Sare?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa wajahaya eedeymo la xiriira inuu qaar kamid ah Kuraasta Aqalka Sare u xiray shaqsiyaad Villa Somalia wadato.

Waxaa sidoo kale lagu dhaliilay Qoor-Qoor qaabka uu u wado hanaanka soo xulista Musharixiinta Aqalka Sare, iyadoo ay siyaasiyiin damaca ku jiro ay sheegayaan in Madaxweynaha uu damacsan yahay in mucaaradka uu ka reebo tartanka.

Madaxweynihii hore Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa kamid ah shaqsiyaadka walaaca ka muujiyay in loo diido kursi Aqalka Sare ee uu u tartamayo, maadaama xiriirka kala dhaxeeya Qoor-Qoor uusan wanaagsanayn.

Maxamed Nuur Gacal, afhayeenka Baarlamaanka Galmudug ayaa beeniyay wararka sheegaya in dad gaar ah loo xiray kuraas kamid ah Aqalka Sare, isagoo caddeeyay in dhamaan siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulkan ay u siman yihiin tartanka.

Doorashadda ka socota Soomaaliya ayaa noqotay mid Mucaaradka iyo Villa Somalia ku loolamayaan, iyadoo Maamul Goboleedyada labo ukala jabeen, kuwa soo saaraya Xildhibaano mucaarad ah iyo kuwa taageersan Farmaajo.

Tusaale, Jubaland oo doorashadda daah-furtay ayaa dooratay Xildhibaanno mucaarad ah, waxaana u jawaabey Koonfur Galbeed oo soo saartay kuwa Villa Somalia taabacsan, oo dhawaan Baydhabo lagu doortay.

Doorashadda ayaa wajahysa khatar badan, iyadoo Baarlamaanka la dooranayo hadda lagu kala qeybsamay, iyadoo Madaxa Maamullada khilaafkoodii ku saleynaya soo xulista Xildhibaanada cusub.

Galmudug waa meesha ugu tartanka adag doorashadda kuraasta Labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaana doorashadda 2016 lagu iibsaday hal kursi lacag gaareysa hal milyan oo dollar.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.