Maxaa ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran?

Shirkii 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyay hoggaanka Dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa xalay lagu soo af-meeray magaalada Muqdisho kaas oo Villa Somalia ka socday labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu qabtay Muqdisho 25-28 December 2022.

Shirka waxaa ka soo qayb-galay Ra'iisul Wasaaraha XJFS Xamza Cabdi Barre, Ra'iisul Wasaare K/xigeenka XJFS Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doodey ajandeyaashii lagu balansanaa ee Astaynta Awoodaha ee heerarka dowladda iyo Hannaanka Federaaleynta Garsoorka. Sidoo kale, Golaha ayaa iska wareystay xaaladda amni ee dalka, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta iyo saameynta abaaraha.

QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY

Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedkii shirkii 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee October 31, 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda, marka laga reebo Puntland oo aragtideeda ku aadan qodobada 1 iyo 2 dib kasoo gudbin doonta:

  1. HANNAANKA FADERAALAYNTA GARSOORKA

Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu saxiixay heshiis siyaasadeedka Hannaanka Fedaraalaynta Garsoorka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.

  1.  ASTAYNTA AWOODAHA HEERARKA DOWLADDA

Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah.

  1.  SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA

Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo Al-Shabaab

Goluhu waxaa uu si gaar ah u bogaadiyay shacabka iyo maamullada Hirshabelle iyo Galmudug oo guulo waaweyn kasoo hoyay la dagaalanka Al-Shabaab.

Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadiyay dadaalada iyo diyaargarowga ka socda Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee ku aaddan la dagaalanka Al-Shabaab.

Goluhu wuxuu mar kale isla qaatay in ciribtirka kooxaha AS & Daacish la dardargeliyo, la iskuna dubbarido dadaallada kala duwan ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.

Goluhu wuxuu isla-qaatay in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya dhammaystirka heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, ka hor 10 Janaayo 2023, si shirka xiga ee Golaha Wadatashiga Qaran uu guddigaasi ugu soo gudbiyo talooyin iyo warbixin dhammaystiran.

  1.  DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA

Goluhu wuxuu isla qaatay in u magacaabo guddi farsamo kahor 10 Janaayo 2023, si guddigaas uu u soo diyaariyo talooyin la xiriira sidii dalka looga dhaqan-gelin lahaa doorashooyin hal-beeg caalami leh.

  1.  DHACDADII BAYDHABO EE DAWLADDA KOONFUR GALBEED

Goluhu wuxuu ka tacsiyeeyay kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022.

Goluhu wuxuu adkeeyay in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada.

Goluhu wuxuu sidoo kale adkeeyay in la ilaaliyo xuquuqda dastuuriga ee muwaadinka Soomaaliyeed iyo xoriyaddiisa.

Goluhu wuxuu ku baaqay in lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee jira shirka loo madlan yahay 5ta bisha Janaayo oo ay si wadajir ah ugu baaqeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.