Maxaa kasoo baxay Kulankii Rooble iyo taliyeyaasha Ciidanka?

Qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ugu yaraan 9 qof ay ku dhimatay ayaa ka dhacay xalay saqdii dhexe magaaladda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Maxaa kasoo baxay Kulankii Rooble iyo taliyeyaasha Ciidanka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Maanta Xafiiskiisa isagu yeeray taliyeyaasha Ciidamada kala duwan, ee Booliska, Militeriga, NISA iyo Wasiirka Amniga DFS.

Kulanka ayaa looga hadlay weerarkii Xalay ka dhacay Caasimadda, oo ahaa midkii ugu xooganaa oo sanadkan Al-Shabab fuliso, iyadoo uu ka dhacay dhowr degmo oo Kaxda ku jirto.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib  falalkii argagixisadu xalay ka geysteen qeybo ka mid ah Muqdisho, isagoo faray hay’adaha amnigu in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska RW.

Rooble ayaa wax ka qaban waayay amniga iyo doorashadda, oo mas'uuliyad ka saarnaaa, isagoo awoodiisa hoos u dhacday kadib Khilaafka Farmaajo, oo weli xukuma Ciidanka dalka.

Al-Shabab dagaalkeeda dibadda Muqdisho ka socday, hadda gudaha ayuu soo galay, waxayna Kooxda kordhisay tan iyo intii sanadkan cusub billowday qaraxyada oo is-miidaamin ah.

Kulanka Maanta ayuu RW Rooble ku amray laamaha amniga inay wax ka qabtaan amniga, islamarkaana ay la dagaalamaan Al-Shabaab, oo khatar weyn ku ah xasiloonida Soomaaliya.

Weerarada xalay oo ka kala dhacay degmooyinka Kaxda, Yaaqshiid iyo Hodon ayaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan 9 qof, oo labo dumar ahaayeen, iyadoo 16 kale ku dhaawacmeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.