Maxaa keenay in Darawalkii Mursal uu ku biiro Al-Shabaab?

Mudo dhowr Maalmood ah ayaa hay'adaha amniga ku raad-joogeen kiiskiisa la shaqeynta Al-Shabaab, waxaana soo galay raad inuu ku lug lahaa weerarkii Villa Rays.

Warar Keydmedia Online
Maxaa keenay in Darawalkii Mursal uu ku biiro Al-Shabaab?

MUQDISHO, Soomalaiya - Darawalka guddoomiyihii hore ee Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u goostay Al-Shabaab xili uu ku socday daba-gal iyo baaris.

Darawalka oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed Xasan ayaa la sheegay in uu hoos kala shaqeyn jiray Al-Shabaab, islamarkaana u qaabilsanaa gudbinta xogaha iyo fududeynta weerarada.

Waxaa ku socday baaritaan kadib markii uu soo galay raad ah inuu ku lug lahaa weerarkii bishii tagtay lagu qaadey Villa Rays hotel, oo ku yaalla meel ku dhaw Madaxtooyadda Villa Somalia.

Kahor inta uusan ka bixin Muqdisho, wuxuu Taleefonka kula xiriiray Odey ka tirsan Beeshiisa uu kala shaqeeyay inuu tago degaan ay maamusho Al Shabaab, oo Shabeellaha Hoose ku yaalla.

Mursal ayaa xaqiijiyay jiritaanka kiiskan, isagoo xusay in Ninkan uu kasoo raacay Wasaaradda Gaashaandhigga xiligii uu Wasiirka ka ahaa, iyadoo markii damba u noqday Darawalkiisa gaarka.

Waa arin halisteeda leh in Mas'uuliyiinta sare ee dowlada fududeystaan amaankooda, oo loogu soo dhex-dhuumanayo Ciidanka iyaga ilaaliya ama kuwa u adeegga sida ninkan baxsaday.

Ku-milanka Al-Shabaab, ee hay'adaha dowladda waa mid aad u korartay xiligii Farmaajo, oo shaqsiyaad badan oo kasoo goostay Al-Shabaab xilal loo magacaabey, qaarna NISA ku biiray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.