Maxaa keenay in Xasan Sheekh safar deg-deg ah ku tago London?

Waxuu kamid yahay hogaamiyeyaasha Caalamka ee berri ka qeybgalaya aaska Boqoradda Ingiriiska.

Warar Keydmedia Online
Maxaa keenay in Xasan Sheekh safar deg-deg ah ku tago London?

LONDON, UK - Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa Maanta gaarey magaaladda London, isagoo kasoo duulay Washington, Caasimadda Mareykanka, oo maalmahan booqasho ku joogey.

Xasan Sheekh waxa uu kamid yahay Madaxda Caalamka ee ka qeybgalaysa Maalinta Berri ah aaska Queen Elizabeth, oo 8-dii bishan ku dhimatay qalcadda Balmoral, iyadoo 96 jir ah.

Madaxweynaha ayaa Talaadada dib ugu laaban doono New York, oo uu uga qeybgali doono Shirka loo dhan yahay ee QM, oo qeybta Madaxda furmayo sida la filayo 23-ka bishan.

Ku dhawaan 500 oo hoggaamiyayaal dalal iyo wufuud kale oo heerkoodu sarreeyo isugu jira ayaa lagu casuumay in ay goobjoog ka ahaadaan aaska qaran ee berri Westminster Abbey loogu sameynayo Boqoraddii Ingiriiska Elizabeth II.

 Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Madaxweynaha Hindiya Droupadi Murmu, Ra’iisal Wasaarayaasha dalalka Canada - Justin Trudeau, Australia - Anthony Albanese iyo New Zealand -Jacinda Ardern, ayaa ka mid ah madaxda joogta London.

UK ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya siiya taageeradda dhaqaale iyo mid militeri, iyadoo saldhig ay ku leedahay Baydhabo ku tababarto askarta kamid ah Ciidanka xoogga dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.