Maxaa kusoo kordhay weerarkii Janaay Cabdalla?

Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa sheegay in weerarka ay ka hortageen Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulkiisa oo wadajira, islamarkaana guulo ay ka gaareen dagaal ay la galeen Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online

KISMAAYO, Soomaaliya - Afar Askari oo Ciidanka DANAB katirsanaa ayaa ku dhintay, tiro kale oo askari American ah uu ku jiro way ku dhaawacmeen weerarkii Maanta ka dhacay Janaay Cabdalla, oo 60-KM galbeedka uga beegan Kismaayo.

Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in Cidianka ku sugnaa saldhiga ay fashilieen gaari xowli ku socday oo saldhiga kusoo wajahnaa, iyadoo uu qarxay kahor inta uusan soo gaarin bartilmaameedkiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.