Maxaa laga baran-karaa doorashada ka dhacday Hirshabeelle?

Maamulka Hirshabeelle ayaa shalay billaabay doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Jowhar lagu doortay lix kursi, oo saddex kamid ah Haween kusoo baxeen.
 

Warar Keydmedia Online
Maxaa laga baran-karaa doorashada ka dhacday Hirshabeelle?

JOWHAR, Soomaaliya - Shalay ayey ahayd markii ay Hirshabeelle billawday doorashada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad, oo in muddo ah laga dhursugayey waqtiga ay billaabayaan, iyadoo Jowhar lagu doortay lix kursi.

Xildhibaanadii shalay lagu doortay Jowhar ayaa kala ah:

1 - Yuusuf Kabaale
2 - Maxamed Cumar
3 - Farxiya Maxamuud
4 - Dahabo Suusow
5 - Khadiija Diiriye
6 - Maxamuud Maxamed

Haddaba maxaa laga baran karaa doorashadii shalay ka dhacday Jowhar?

Kuraasta la doortay oo ahaa lix, ayey doorashadoodu ahayd mid aan daah-furneyn, waxaana laga dheehan karay masuq iyo gacan bidixeen xad dhaaf ah, taas oo wal wal hor leh abuurtay.

Qubarada falanqeeya siyaasadda, ayaa  sheegaya in doorashada Hirshabelle, ay ahayd billaw aan la mahdin, waana mid tilmaameysa hannaanka ay ku qabsoomi doonaan kuraasta dhiman, oo durba beelihii lahaa ay tabasho muujinayaan.

Musharaxiintii tartami lahaa, ayaa shahaadooyinka loo diiday, iyadoo la inkiray in ay ka soo jeedaan beelihii ay kuraastooda u sharaxnaayeen, taas oo ku sifeeyeen fal guracan, oo uu maamulka ku doonayo inuu beelaha ugu xulo dadkii matali lahaa.

Kuraastii shalay lagu doortay Jowhar badankood, waxaa loo boobay Villa Somalia, taas oo meesha ka saareysa caddaaladii laga filayey Guudlaawe, waxaana lagu micneeyey tallaabo curyaamin doonta doorashada dalka, soona celin karta walaacii taagnaa.

Guudlaawe ayaa hore ugu guuleystay, in hab caddaalad ah ay ku qabsoonto doorashadii aqalka sare ee ka dhacday Hirshabelle, ayey tani ku noqoneysaa jilaafo hor leh, waxaana ay sii xoojineysaa kalsooni darradii ay ka qabeen reer Hiiraan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Baladweyne ay ka dhaceyso doorashada kuraasta Hirshabelle qeybtood.

Doorashada Hirshabeelle ka dhacday, ayaa sidoo kale kalsooni darro ku beereysa mucaaridka, kuwaas oo dhowr jeer intii uu Muqdisho joogay kulamo la qaatay Guudlaawe, iyagoo uga digay inuu u hoggaansamo awaamiirta Farmaajo ee la xiriirta boobka doorashada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.