Maxaa loo hadal hayaa Fahad Yaasiin?

Shaqsiga ugu saameynta badan, uguna dhibaatada badan Soomaaliya ayuu ahaa shantii sano ee Farmaajo, isagoo hadda isku diyaarinaya markale inuu xukunka sii haysto.

Warar Keydmedia Online
Maxaa loo hadal hayaa Fahad Yaasiin?

MUQDISHO, Soomaaliya - Khamiistii illaa Maanta 2 Sawir oo qabsadey hadal-heynta baraha bulshadda, ayuu Fahad Yaasiin soo diray xili uu isku diyaariyay doorashadda Beledweyne.

Fahad Yaasiin, oo ah la-taliyaha amniga Farmaajo ayaa Maanta u safray Beledweyne, waxaana kahor inta uusan duulin sawir uu kusoo galay qeybta VIP-da lasoo geliyay social media.

Waa nin wax walba diyaarsadey, oo kursi u xiran yahay, kaasoo Todobaadkan lagu dooranayo Beledweyne, oo Maanta qarax weyn ka dhacay, kaasoo loo arkay mid siyaasadeysan.

Sawirka Maanta wuxuu Fahad Yaasiin ugu tala-galay inuu ku demiyo hadal-heynta qaraxiii Beledweyne, oo lagu dilay 15 qof, kaasoo lala eegtay Maqaaxi ku dhaw xarunta Maamulka.

Kursiga HOP86 waxaa ku fadhiyay Faarax C/qaadir, oo hadda Fahad kala wareegay, waxaana wararka ay sheegayaan in taliyihii hore ee NISA uu doonayo inuu ku fariisto kursigii Muudey.

Sawiradiisa oo soo bandhigay ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray, dadka qaar ayaa sheegaya inuu bulshada ku marin-habaabinayo, iyadoo uu rabo in hadda kadib banaanka is-keeno.

Wuxuu ahaa shaqsi aan sawir laga qaadey, oo warbaahinta muuqaallo ka duubin tan iyo 2017, isagoo ahaa qof is-qariya, oo daaha gadaashiisa wax ka maamula, oo Villa Somalia ku jira.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.