Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Baarlamaanka?

Ajandaha ayaa ah in la magacaabo Gudi ka shaqeeya diyaarinta doorashadda Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya, oo la filayo inay dhacdo bishan May gudaheeda.

Warar Keydmedia Online
Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Baarlamaanka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ayaa Maanta kulan ku leh Muqdisho, iyagoo ka hadli doono hal qodob oo ah dhismaha Gudiga qaban-qaabada doorashadda Madaxweynaha, oo wali aan la ogeyn waqtiga ay dhacayso.

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir gudoominaya, waxaana aad loo adkeeyay amniga wadooyinka gala Madaxtooyadda, oo Xildhibaanada ay ku shirayaan Villa Hargeisa maadaama uu dhismo ku socda xarunta Gollaha Shacabka mudo dhowr sano ah.

Dhanka kale, waxaa laga cabsi qabaa in markale uu buuq ka dhaco Gollaha Shacabka, maadaama ay hoolka kuwada sugan yihiin Xildhibaanadaii laga soo doortay Gedo, oo 32 gaaraya, kuwaasoo kala taageerayaan Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Todobaadkii hore, markii uu Mursal sameyanayay xil-wareejinta, waxaa ka dhacay hoolka fowdo, iyadoo lagu sigtay in gacanta la iskula tago, waxaana dooda taagan ay u muuqataa mid Villa Somalia ku carqaladeynayo howlaha Gollaha Shacabka, si aan u dhicin doorashadda Madaxweynaha.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa balan-qaadey markii uu xilka la wareegay inuu xalin doono khilaafaadka yaryar ee ka jira Baarlamaanka, oo ugu horeyso arinta Gedo oo Xildhibaano iska soo horjeeda lagu soo doortay doorashooyin ka dhacay Ceel-Waaq iyo Garbahaarey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.