Maxaa looga hadlayaa shirka hay’adda IMF iyo DFS?

Shirkaan oo socon doono muddo lix maalin ah ayay ka soo qeyb galeen Wasiirka Qorshaynta, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, qaar ka mid ah Hey'adda dowladda Federaalka iyo wakiillo ka socda Hey'addaha calaamiga ah ee dhaqaalaha adduunka.

Warar Keydmedia Online
Maxaa looga hadlayaa shirka hay’adda IMF iyo DFS?

NAIROBI, Kenya -  Shir uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, dib u eegista  sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, heerka siyaasadda dhaqaalaha, iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka ee loo soo gaabiyo (PFM).

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, wuxuu sheegay in shirkaan oo ah wajigii labaad oo ay soo qabanqaabisay Hey'adda Lacagta Adduunka IMF, si weyn loogu lafa-guri doono heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habayntiisa.

Shirkaan oo socon doono muddo lix maalin ah ayay ka soo qeyb galeen Wasiirka Qorshaynta, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, qaar ka mid ah Hey'adda dowladda Federaalka iyo wakiillo ka socda Hey'addaha calaamiga ah ee dhaqaalaha adduunka.

“Waxaan diiradda saaraynaa si aan wadajir uga shaqayno xoojinta dhaqaaleheenna mustaqbal ka dhaw. Waxaan u mahadcelinayaa hay’adaha Dowladda ee shirka nagala soo qeyb galay, sida Wasaaradda Qorshaynta, Bangiga dhexe, Xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxtooyada." Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Bartamihii bishii Agoosto 2022 ayuu wajigii 1-aad ee shirkaan ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, Hay’adaha dhaqaalaha caalamka oo ay hoggaan u tahay IMF, ayaana diiradda saaraya sidii looga dhabayn lahaa hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda.

Barnaamikja Dayn cafinta ayaa ah mid ka mid ah howlaha adag ee hor yaalla maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la filayaa in wajigiisa ugu danbeeya la soo laabo inta uu xafiiska joogo, sida uu sheegay markii la doortay kadib.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.