Maxaa kusoo kordhay Xaaladda Baledweyne?

Xaaladda Baladweyne ayaa saaka deggan, waxaana dib loo furay xarumaha ganacsiga, waxbarashada iyo guud ahaan goobaha loogu adeego bulshada.

Warar Keydmedia Online
Maxaa kusoo kordhay Xaaladda Baledweyne?

BALADWEYNE, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in saaka dib loo furay xarumaha ganacsiga ee degmada kadib markii labadii maalin ee la soo dhaafay ay magaalada ka jireen kacdoon shacab iyo gadood ciidan.

Sida ay uu Keydmedia Online, u xaqiijiyay, wariye Madax-bannaan oo ku fadhigiisu yahay Baledweyne, waxaa maanta dib loo furay goobaha ganacsiga, Waxbarashada, Caafimaaadka iyo guud ahaan goobaha loogu adeego bulshada.

Waxaa inta badan magaalada gacanta ku haya Ciidamo lamagac baxay “Badbaadada Gobalka Hiiraan” kuwaas oo habeen hore la wareegay gacan ku heynta goobaha muhiimka ah ee Baladweyne.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha HirShabeelle, iyo mas'uuliyiin kale, ayaa bilaabay waan-waan lagu dajinayo xaaladda magaalada, waxaana in miiska wadahadalka la isugu yimaado ku baaqay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Inta badan bulshada Gobolka Hiiraan, ayaa kasoo hor jeedda in Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe uu cagaha dhigo Hiiraan, waxaana dhowr mar fashilmay isku day la doonayay in lagu geeyo Baledweyne.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.