Maxaa sababay in Al Shabaab ay weli qaado lacagihii baadda ahaa?

Xilli ay dowladu dhowr goor ka digtay dhaqaalaha Al Shabaab la siiyo, ayaa misana waxaa weli kooxda gacantooda ku dhacda lacagihii baadda ahaa ee ay ka qaadi jireen ganactada iyo shirkadaha waa weyn ee dalka ka shaqeeya.
 

Warar Keydmedia Online
Maxaa sababay in Al Shabaab ay weli qaado lacagihii baadda ahaa?

MUQDISHO, Soomaaliya- Dowlada Soomaaliya ayaa dhowr mar ganactada uga digtay in ay bixiyaan lacagaha baadda ee ay siiyaan Al Shabaab, balse awaamiirtaasi ma noqon kuwa dhaqan gala, arrimo badan oo is biirsaday dartood.

Sababta ugu horreysa ayaa ah caddaadiska dhinaca amniga ee ganactada iyo milkiilayaasha shirkadaha uga imanaya Al Shabaab, taas oo kalifeysa in ay sii socota lacagaha sharci darada ee ay Kooxdu qaadato.

Ganacsato badan oo ka dhaga adeegay in ay dhiibaan lacagahaas, ayaa la kulmay khatar amni, oo ku xanbaartay in ay raalli galin siiyaan kooxda, isla markaana bixiyaan lacagihii baadda ahaa ee laga qaadi jiray.

Waxaan sidoo kale helnay xogo la xiriira in ay dalka ka carareen, ganacsato lahaa carwooyin yar yar oo diiday in ay dhiibaan lacagihii ay hore Al Shabaab u siin jireen, maaddaama aysan jirin cid amnigooda damaanad qaadi karta.

Shirkado waa weyn oo dalka ku yaalla, ayaa iyaguna ka caga jiiday in ay bixiyaan lacagaha baada ee ay Al Shabaab qaado, hase ahaatee cabsi xooggan oo la soo daristay ayaa ku qasabtay in ay dhiibaan, dhaqaale ka badan kii ay markii hore siin jireen, sababo la xiriira in ay ku raali galiyaan kooxda, kadib maalmo kooban oo ay shaqadoodu xanibneyd, shaqaalahooduna ay wal wal dareemayeen.

Aragtida qubarada Amniga

Qubarada ku xeel dheer amniga ayaa sheegaya, in go'aanka dowlada aanu waqtigan ku habooneyn, maaddaama kooxdu ay weli baaqi ku tahay meelo badan oo ka mid ah dalka, taas oo fududeyneysa in ay dhibaateeyaan ganactadii ay sida qasabka ah dhaqaalahooda ku qaadan jireen.

Sida ay qubaradu aamminsan yihiin, Dowlada Soomaaliya ayaa looga baahan yahay in sirdoonkooda uu baaritaan ku sameeyo, kuwa qal qalka galinaya ganactada, isla markaana la diiwaan galiyo magacyadooda, meelaha ay fariimaha hanjaabada ka soo diraan iyo goobaha ay degan yihiin, waana hilinka qura ee looga hortagi karo shabakadaha Al Shabaab u qaabilsan, qaaditaanka lacagaha baadda ee ay ugu yeeraan Canshuurta.

Mareykanka ayaa qaaday tallaabooyin u dhaw kuwa ay qubaradu soo jeedinayaan, iyagoo xayiraado dhanka maaliyada ah ku soo rogay ku dhawaad 10 qof oo ka tirsan saraakiisha Al Shabaab u qaabilsan dhaqaale ururinta iyo soo iibsashada hubka 

Si Kastaba, Al Shabaab ayaa Soomaaliya ka dagaallameysay 15-kii sano ee ugu danbeysay, waxaana kooxda ay dhaqaale xooggan ka qaadaan xarumaha ganacsiga, shirkadaha waa weyn ee is gaarsiinta iyo kuwa lacagaha la isku mariyo ee xawaaladaha loo yaqaano, waxaa sidoo kale il dhaqaale u ah fududeynta ganacsiga aan sharciga ahayn. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.