Maxaa sababay burburka Shirkii Dhuusamareeb?

Wadahadallo saddex maalmood qaatey ayaa fashilka kusoo dhamaadey, waxayna Soomaaliya gashay hubanti la'aan mustaqbalka.

Warar Keydmedia Online
Maxaa sababay burburka Shirkii Dhuusamareeb?

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Wadahadaladii Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka ayaa kusoo dhamaadey natiijo la'aan kadib markii la isku mari waayay arinta Gedo, oo Axmed Madoobe iyo Farmaajo isku hayaan cida maamulayso doorashadda 16-ka Xildhibaan ee Garbahaarey.

Xili dambe ee Xalay ayuu Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Dubbe ku qabtay Shir jaraa'id Dhuusamareeb, wuxuuna shaaciyay inuu fashil kusoo dhamaadey kulanka, isagoo eedeyn u jeediyay Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa isna qabtay Shir jaraa'id oo ku sheegay in Farmaajo uu diiday xalinta Khilaafka Gedo kadib markii uu isku soo koobey hal degmo, oo ah Garbahaarey oo Madaxweynaha af cad ku sheegay in doorashadda Xildhibaanada beeshiisa isagu maamulayo.

"Sidee Madaxweyne hal gobolka ama degmo isku soo koobay u maamulayaa dalka, waxaan u sheegaya shacabka iyo Baarlamaanka in Farmaajo uu wado kala qeybin iyo abaabul dagaal," ayuu yiri Madoobe.

Sidoo kale, wuxuu Axmed Madoobe sheegay in marka uu tago Kismaayo la hadli doono Saxaafadda, islamarkaana banaanka soo dhigi doono dhagarta Farmaajo iyo inuu diiday labo sano kahor shir laga yeelan lahaa arrimaha doorashadda.

Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu diiday tanaasul inuu ka sameeyo khilaafka Gedo oo u ogolaado Axmed Madoobe inuu maamulo doorashadda labada degmo ee Jubbaland, si lamid ah maamullada kale.

Shirka Dhuusamareeb wuxuu ahaa rajadii ugu dambeysay ee doorasho loo dhan yahay oo nabdoon inay Soomaaliya ka dhacdo, waxaana laga cabsi qabaa inay dhacaan dagaal iyo fowdo oo laga digayay mudadii Farmaajo Villa Somalia joogay.

KEYDMEMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.