Maxaa sababay laba-bogleynta Itoobiya?

Waxaa xusid mudan in bannaan-baxayaashaas gafka kula kacay Soomaaliya, isla-markaana codaawadda ka dhaxeysa qoymiyadaha dalkaas kula raftay Dowladda Federaalka ay bogaadisay una mahad-celisay Wasaaradda Arrimaha Itoobiya.

Warar Keydmedia Online
Maxaa sababay laba-bogleynta Itoobiya?

ADDIS ABABA – Telefishinka Dowladda Itoobiya ee ETV qeybta ku baxda luuqadda Igiriiska ayaa 6-dii September 2022, baahiyay warbixin ka hadleysa arrimaha Soomaaliya taas oo cinwaan looga dhigay “Soomaaliya waxay soo martay dagaalka sokeeye ee ugu faca weyn Afrika”, si gaar ahna looga hadlay Madaxweynaha Soomaaliya.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Ururka TPLF ee dagaalka kula jira Dowladda Itoobiya uu isku dayayo siduu Xasan Sheekh uga dhaadhicin lahaa inuu qaado tallaabo wax u dhimi karta danaha Itoobiya, haddii uu tallaabadaas qaadana ay horseedi karto in Urur ka khatar badan Al-Shabaab ka abuurmaan Soomaaliya, waa sida hadalka loo dhigaye.

Warbixintu waxay muujisay sida uu u liito xirriirka ka dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya, halka la xusay xiriirkii ka dhaxeeyay Farmaajo iyo Abiy Axmed, iyagoo dhanka kale sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uu cilaaqaad weyn la lahaa hoggaanka maamulkii TPLF ee dalkaas ka talinayay ka hor 2018-kii.

Kadib markii warbixintaas oo gooddis iyo been abuur isgu jirtay ka baxday Telefishinka Dowladda Itoobiya waxaa xigay in Jaaliyada Itoobiya ee ku dhaqan Washington una badan dad ka soo jeeda qowmiyadda Amxaarada oo bannaan-bax ka dhigayay magaaladaas ay af-lagaaddo kula kacaan Madaxweynaha Soomaaliya una ooyaan Farmaajo.

Waxaa xusid mudan in bannaan-baxayaashaas gafka kula kacay Soomaaliya, isla-markaana codaawadda ka dhaxeysa qoymiyadaha dalkaas kula raftay Dowladda Federaalka ay bogaadisay una mahad-celisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, taasoo uga sii dartay xaaladda loona fasiray in tallaabooyinka oo dhan ula kac yihiin.

Intaas kadib, war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in warbixinta 6-dii September 2022 laga sii daayay Ethiopian Television ETV aysan ka turjumeyn siyaasadda Dowladda Itoobiya isla-markaana aysan waafaqsanayn xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Dowladood.

Yeelkeede, talaabooyinkaan ayaa ku soo aadaya xilli uu meesha ka baxay nidaamkii Farmaajo ee ku jiray jeebka Abiy Axmed, isla-markaana uu MW Xasan garabka ku dhiftay Addis ababa lana saftay Qaahira oo uu ka dhaxeeyo muraka biyaha Niile, isla-markaana uu dib u fasaxay qaadkii Kenya oo Itoobiya aysan raalli ka ahayn.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sidoo kale iska fogaayey is-baheysigii saddex geesoodka ahaa ee Farmaajo, Abiy iyo Afwerki sameeyeen, wuxuuna u jaheystay ku biiritaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika oo ay ku mideysan yihiin dalal kale oo ku yaalla gobolka kana xasillan Itoobiya iyo Eritrea.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.