Maxaan ka ognahay bartilmaameedka Qaraxii Muqdisho?

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah goobaha ay ka socoto doorashadda Baarlamaanka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Maxaan ka ognahay bartilmaameedka Qaraxii Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax Is-miidaamin ah ayaa Maanta ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta, ee magaaladda Muqdisho, kaasoo galaaftay nolosha dhowr qof oo shacab ku jiraan.

Sida Keydmedia ogaatay Ergo saarnayd Gaari kusii jeeday xerada Jen Kaahiye, halkaasoo ka dhacaysay doorashadda shan kursi oo kamid ah kuwa Somaliland ayaa lala eegtay qaraxa.

Nin isku soo xiray walxaha qarxa ayaa beegsaday baabuurta xili ay ka gudbaysay Isgoyska oo mashquul ka jiro, maadaama la isaga gudbo Villa Somalia iyo qeybaha kala ee magaaladda.

Waa weerar ujeedkiisu ahaa in lagu laayo ergada doorashadda Somaliland, kuwaasoo kamid ah liis dheer oo Al-Shabaab dil ugu qoran, maadaama ay ka qeybgalayaan doorashadda dalka.

Shalay, Al-Shabaab ayaa hoobiyeyaal ku weerartay Baraawe, oo ka socotay doorashadda 7 kursi oo ka imaanaya Koonfur Galbeed, waxaana ku dhintay 4 qof, iyadoo 9 ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah goobaha ay ka socoto doorashadda Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo isku dayaysa inay Wadanka ka joojiso dib usoo kabashada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.