Maxamed Bin Salman oo labo arin kala hadlay Xasan Sheekh

Sacuudiga ayaa dhawaan Safiir cusub usoo dirty Soomaaliya kadib ridistii Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Maxamed Bin Salman oo labo arin kala hadlay Xasan Sheekh

RIYADH, Saudi Arabia  - Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa qaabiley Madaxweyne Xasan Sheekh oo Riyadh uga qeybgalay Shirka Carabta iyo Shiinaha.

Villa Somalia ayaa sheegtay in Xasan Sheekh uu uga warbixiyay Maxamed Bin Salman xaaladda dalka iyo isbedellada dowladdiisa ay sameynayo, amniga iyo dhaqaalaha.

Dhaxal Sugaha ayaa ku bogaadiyay Maamulka Xasan Sheekh dagaalka ay dalka uga xoreynayso Al-Shabaab iyadoo isku tashanaysa, oo dadkeedana kaashanaysa.

Maxamed Bin Salman ayaa sheegay in Sacuudiga uu taageeraya dadaallada dowladda, si ay uga miradhaliso halganka dib u xoreynta iyo dib u dhiska dalka.

Sacuudiga ayaa hadda ahmiyad gaar ah siinaya xiriirka Soomaaliya oo mudadii Farmaajo uu aad u xumaa.

Xasan Sheekh ayaa kusoo jerda Washington oo uga qeybgalayo shirka Mareykanka iyo Africa oo dhacaya 13ka illaa 14ka bishan.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.