Maxay ahaayeen dadka Al-Shabaab ku xasuuqday G/Hiiraan?

Tirada khasaaraha dhimashadda ayaa sii kordhaysa, iyadoo ay jiraan 5 qof oo kale oo qarax ku dhintay xili ay gurmad ahaan ugu sii jeedaan Goobtii xalay dadka lagu laayay.

Warar Keydmedia Online
Maxay ahaayeen dadka Al-Shabaab ku xasuuqday G/Hiiraan?

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay jidka u gashay Kolonyo Gaadiid Xamuul ah, oo Raashiin u wadey degaanno kamid ah gobolka Hiiraan, kuwaasoo shalay kasoo baxay magaaladda Beledweyne, oo 350-KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho.

Wararka KON ka helayo dadka degaanka iyo Laamaha amniga ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay gubtay raashiin ku rarnaa 8 gaari oo Xamuul ah, iyadoo toogasho ku dishay dadkii la socday oo gaaraya in ka badan 20 qof, kuwaasoo 17 kamid ah meydadkooda la helay.

Weerarka ayaa ka dhacay Tuuladda Afar-irdoodka, oo u dhaxaysa Maxaas iyo Beledweyne, halkaasoo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen dagaallo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ciidamadda dowladda, oo kaashanaya Kooxda Macwiisleey.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dadka ay dishay ay ahaayeen Macwiisleey, oo dagaal kula jira, iyadoo dhanka kale la xaqiijiyay in dadka ay ahaayeen shacab musaafur ah, oo degaanadooda kusoo keeda, iyagoo ka yimid dhanka Beledweyne.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.