Maxay Beesha Caalamku ka tiri xiisadda Laascaanood?

Magaalada waxaa ka maqan internet-ka iyo korontada, Madaxda Dowladda Federaalka ayaa hore ugu baaqay in la damiyo xiisadda, hayeeshee cidna dhag uma dhigin, Somaliland waxaa ka go’an in ay ilaashato Laascaanood halka shacabku baxsad u yihiin Puntland.

Warar Keydmedia Online
Maxay Beesha Caalamku ka tiri xiisadda Laascaanood?

LAASCAANOOD, Soomaaliya – Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan dalka ayaa walaac looga muujiyay xaaladda cakiran ee magaalada Laascaanood taasoo ay ka socdaan rabshado dhimasho iyo dhaawac sababay.

Warsaxaafadeedka waxa baaq loogu diray dhinacyada ku lugta leh xiisadda Laascaanood oo salka ku heysa shacabka oo la kiciyay iyadoo looga faa’iideysanayo dano siyaasadeed oo ay wataan siyaasiyiin degaanka ah oo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland.

“Saaxiibada Beesha caalamka ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan”, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay UNSOM.

Sidoo kale hadalka Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey, waxaa lagu sii daray, “Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.” Xilli ay sii xoogeysanayaan rabshadaha ka socda magaalada.

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku geeriyootay tan iyo markii ay billowdeen bannaan-baxyada ay dhigayaan shacabka, halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen, ciidamada maamulka Somaliland ayaa lagu eedeeyay in ay rasaas nool-nool la dhaceen rayidka.

Magaalada waxaa ka maqan internet-ka iyo korontada, Madaxda Dowladda Federaalka ayaa hore ugu baaqay in la damiyo xiisadda, hayeeshee cidna dhag uma dhigin, Somaliland waxaa ka go’an in ay ilaashato Laascaanood halka shacabku baxsad u yihiin Puntland.

Warsaxaafadeedkan waxaa wadajir u soo saaray, ATMIS, Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, IGAD, Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta, Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, UK, Maraykanka and Qaramada Midoobay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.