Maxay dowladda Qatar u casuuntay RW Rooble?

Wuxuu kusoo aadayaa safarka Roobe ee Doha xili 120ka bishan ay ICJ ku dhawaaqi doonto go'aanka muranka kiiska badda.

Warar Keydmedia Online
Maxay dowladda Qatar u casuuntay RW Rooble?

DOHA, Qatar - Dowladda Qatar ayaa xoojineysa dhex -dhexaadinta Kenya iyo Soomaaliya kahor inta aan soo bixin xukunka Maxkamadda iCJ ee kiiska badda oo la filayo 12 -ka October.

Doha waxay adeegsanaysaa diblomaasiyad firfircoon si ay uga hortagto burburka xiriirka Kenya iyo Soomaaliya, maadaama Uhuru Kenyatta uu sheegay inuu qaadici doono go'aanka ICJ.

Qatar waxay bishii May dhexdhexaadisay labada dal, iyadoo usoo dirtay ergayga miisaan culus, oo Muqdisho iyo Nairobi madaxda sare kula kulmay, waxuuna noqday dadaalkiisa mira-dhal.

Rooble ayaa safar degdeg ah ku tagey kadib markii uu u yeeray amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani, oo isagu dowladda Kenya xiriir dhaw la leh, gaar ahaan Uhuru Kenyatta.

Wafdi Rooble ayaa waxaa Garoonka Doha kusoo dhaweeyay wasiirka gaadiidka Jassim bin Saif, iyadoo loo galbiyay hotel gaar ah oo uu sii degnaanayo intuu kala kulmayo Amiirka Qatar.

Qatar ayaa galaangal siyaasadeed ku lahayd Soomaaliya afartii sano, ee uu Farmaajo madaxweynaha ka ahaa, iyadoo hadda qorsheynayso inay wax ka bedeshao istaraatiijiyadeeda.

Kenya waxay dhowr sano raadinayay in Kiiska badda si hoose loo xaliyo, oo laga soo wareejiyo ICJ, taasoo dowladda Soomaaliya diiday, laakiin hadda Qatar ayaa soo dhexgashay oo isku dayaysa inay Rooble kala hadasho kiiskan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.