Maxay dowladda u mamnuucday baahinta wararka Al-Shabaab?

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in cidna aan loogu dulqaadan doonin inuu borobogaando u faafiyo Al-Shabaab, oo uu sheegay inay tahay cadowga 1aad ee dalka.

Warar Keydmedia Online
Maxay dowladda u mamnuucday baahinta wararka Al-Shabaab?

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta soo saartey go'aan adag oo looga mamnuucay Warbaahinta Madaxa-banaan baahinta wararka lagu buun-buuninayo weerarada Al-Shabaab.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda C/raxmaan Al-Cadaala oo ka hadlayay Shir Jaraa'id ayaa ku dhawaaqay in xaruntii ama qofkii lagu arko isagoo borobogaan u sameynaya Al-Shabaab lala tiigsan doono sharciga.

Cidna lagama yeelayo inuu Al-Shabaab buun-buunin u sameeyo, waxaa laga qaadi doonaa qofkii lagu helaa arintaa tallaabo sharciga waafaqsan," ayuu yiri Wasiirka.

Waxa uu intaasi ku daray inay dowladda qaadey tallaabooyin ay ku xirtay illaa 40 baro Internet, oo Al-Shabaab wararkeeda lagu baahin jiray, kuwaasoo uu kamid yahay barta Xasan Daahir Aweys.

Waa arin lagu tilmaamay faafreeb marka la eego dhanka xoriyadda hadalka iyo Saxaafadda, iyadoo Soomaaliya yahay mid kamid ah meelaha ugu khatarta badan in wariye laga noqdo, lagana shaqeeyo Caalamka.

DAAWO SHIRKA JARAA'ID:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.