Ma wiiqi kartaa duqeymaha lasoo celiyay awoodda Al-Shabaab?

Bishii May, Madaxweyne Biden ayaa saxiixay dalab uga yimid Wasaaradda difaacca, oo ku aadan in Ciidanka Mareykanka dib loogu celiyo dalka Soomaaliya sanad kadib.

Warar Keydmedia Online
Ma wiiqi kartaa duqeymaha lasoo celiyay awoodda Al-Shabaab?

MUQDISHO, Soomaaliya - Sanad iyo afar bilood kadib, Mareykanka ayaa dib u billaabey duqeymaha cirka Soomaaliya, kuwaasoo lala beegsanayo bartilmaameedyada muhiimka ee Al-Shabaab.

Duqeymaha oo hoos u dhacay tan iyo markii Ciidanka Mareykanka ka baxeen dalka Jan 2021, ayaa hadda la filayaa in la kordhiyo, kadib markii Washington ay aragtay khatarta sii xoogeysanaysa.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn cirka ah shalay ka dhacday degaanka Beer-Xaani oo galbeedka Kismaayo ku yaalla taasoo lagu dilay shan xubin oo Al-Shabaab kamid ah, iyadoo kuwa kale lagu dhaawacay.

Duqeynta ayaa timid kadib markii Al-Shabaab ay weerartay Ciidamada Danab ee ka howlgala degaanka, waxaana howlgalka uu noqonaya midkii ugu horeeyay tan iyo markii Biden uu saxiixay bishii lasoo dhaafay in 500 Askari oo Ameerikaan ah dib loogu celiyo Soomaaliya.

Jan 2021, ayaa Ciidanka Mareykanka laga saarey Soomaaliya kadib amar kasoo baxay Trump oo xiligaas ka tagayay White House-ka, maadaama doorashadii 2020 uu kusoo baxay Joe Bidan.

Mas’uuliyiin katirsan Aqalka Cad, ayaa bishii hore ku tilmaamay go’aankii Donald Trump uu ku soo afjaray joogitaanka Ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya mid qalad ah, iyagoo ku dooday inuu fursad siisay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa Mareykanka u arka inay tahay kooxda ugu weyn, ugu dhaqaalaha badan iyo tan ugu khatarta badan ee xiriirka la leh Al-Qaacida, taasoo qaabilsan gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay dib usoo celinta Ciidanka Mareykanka, isagoo baraha bulshada uga mahadceliyay madaxweyne Joe Biden bishii lasoo dhaafay. Villa Soomaaliya ayaa ku micnaysay soo nooleynta duqeymaha tallaabo dhanka xasiloonida dalka loo qaadey.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay rajeynayaan joogitaanka joogtada ah ee ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay horseedi doonto kor u kaca duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ilaa hadda sanadkan, Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM], ayaa si cad u xaqiijiyay hal weerar ay fuliyeen, kaasoo dhacay 22-kii bishii February, meel u dhow tuulada Duduble, bartamaha Soomaaliya.

Ma cadda tirada Ciidamada Mareykanka ee hadda ka howlgala Soomaaliya. 

Qiyaasta Sirdoonka Mareykanka, ayaa lagu sheegay in tirada dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku dhow yihiin 12,000, iyadoo kooxdan xiriirka la leh ururka Al-Qaacida ay ururiso lacag dhan 10 milyan oo dollar bishii, taasoo ay ka qaado ganacsatada, xoolo-dhaqatada iyo beeralayda si ay ugu maalgeliso dagaalka ay wado.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.