Maxay ka wada-hadleen Rooble iyo xog-hayeyaasha BJFS?

Sida ku cad,  jadalka guddiga doorashooyinka, 31-ka Maarso oo berri ku beegan ayaa FEIT, laga sugayaa in ay ku dhawaaqaan natiijada kama danbeysta ah ee Xilidhibaannada Labada Aqal, halka ay 2 April, Xildhibaannada ugu yeerayaan in ay soo xaroodaan.

Warar Keydmedia Online
Maxay ka wada-hadleen Rooble iyo xog-hayeyaasha BJFS?

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta qaabilay xog-hayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BJFS Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac.

U-jeedka kulankaan ayaa ahaa, qeyb ka mid ah, u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal, si waafaqsan jadwalkii uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, kaas oo soo baxay 15 bishan Maarso.

War ka soo baxay xaafiiska RW Rooble, ayaa lagu sheegay, in xubnaha labada aqal ee hadda diyaarka ah lagu wado in ay soo wada gaaraan Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, kadibna loo doorto guddoonnada labada aqal.

Sida ku cad,  jadalka guddiga doorashooyinka, 31-ka Maarso oo berri ku beegan ayaa FEIT, laga sugayaa in ay ku dhawaaqaan natiijada kama danbeysta ah ee Xilidhibaannada Labada Aqal, halka ay 2 April, Xildhibaannada ugu yeerayaan in ay soo xaroodaan.

11-ka April, ayaa FEIT, laga sugayaa in xog-hayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, ku wareejiyaan, xogta iyo Liiska Xildhibaannada cusub, halka Guddiga Doorashooyinku ay 14-ka April u asteeyeen dhaarinta xildhibaannada.

Waxaa sii xoogeysanaya xogaha la xariira in doorashooyinku aysan u qabirnaan doonin, kuraasta dhiman, gaar ahaan kuwa Garbaharreey oo la rumeysan yahay in aysan soo idlaan karin ka hore 14-ka bisha soo socota ee April.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiga doorashooyinka heer Fedraal, ayaa la aaminsan yahay in aysan bixin doonin shahaadada ugu yaraan afar kursi, kuwaasoo uu ka mid yahay Kursiga Fahad Yaasiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.