Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Al-Siisi?

Masar ayaa Soomaaliya soo gelisay khilaaf kala dhaxeeya Itoobiya, ee ku qotoma Biyo-xireenka Webiga Nile, kaasoo Abiy Axmed dhawaan daah-duray.

Warar Keydmedia Online
Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Al-Siisi?

QAAHIRA, Masar - Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Masar C/fitaax Al-Sisii ayaa Maanta kulan ku yeeshay Madaxtooyadda magaaladda Qaahira, iyagoo kawada hadlay arrimo dhowr ah.

Qodobada ay ku heshiiyeen waxaa kamid ah in labada dal ay iskaashi ka sameeyaan arrimaha gobolka Geeska Africa, amniga, la dagaalanka argagaxisadda iyo xiriirka ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Shir Jaraa'id oo si wadajir ah ugu qabteen Madaxtooyadda, Al-Siisi ayaa sheegay in Masar ay tahay dalkii ugu horeeyay ee aqoonsaday Soomaaliya markii ay xoriyadda qaadatay 1960.

Wuxuu xusay in 70-kii sano ee Soomaaliya ay qaranka ahayd ay Masar garab taagnayd, isagoo ku tilmaamay dal walaal ah oo ay kawada-tirsan yihiin Jaamacadda Carabta iyo Midowga Africa.

Dhankiisa, Xasan Sheekh ayaa sheegay in tan iyo xornimada, Masar iyo Soomaaliya ay isku xirmeen dhinacyada amniga, dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo ganacsiga isku gudba.

Al-Siis ayaa u balan-qaadey Soomaaliya inuu ka caawinayo Waxbarashadda, Amniga iyo Nabadda, iyadoo ay tababar iyo agab siinayso Ciidamada kala duwan ee dalka uu leeyahay.

Dhanka kale, Masar ayaa Soomaaliya soo gelisay khilaaf kala dhaxeeya Itoobiya, ee ku qotoma Biyo-xireenka Webiga Nile, kaasoo RW Abiy Axmed dhawaan daah-duray.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi ayaa sheegay in uu dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud isku afgarteen in heshiis dhab ah laga gaaro khilaafka biyo xireenka wayn ee Itoobiya ka sameysay webiga Nile, iyadoo aan dib loo dhigin.

Tani waa in lagu saleeyaa bayaankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii Sebtembar ee sannadkii hore si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka, Sisi ayaa ku sheegay sidaa shirka jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen Xasan Sheekh oo jooga Qaahira.

Sisi waxa uu sheegay in uu Xasan Sheekh kala hadlay arrimaha Biyo-xireenka Nile, isaga oo caddeeyay in ay muujiyeen khatarta ay leedahay siyaasadaha hal dhinac ah marka la fulinayo mashaariicda ku saabsan webiyada isaga gudba dalalka gobolka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.