Maxay salka ku haysaa booqashadda Ilhaan Cumar ee Soomaaliya?

Waxay booqan doontaa Muqdisho, oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay, iyadoo safarkeeda Soomaaliya uu kusoo aadayo xili dalka ka jirto abaar daran oo dad gaaraya 8 milyan ay saameysay.

Warar Keydmedia Online
Maxay salka ku haysaa booqashadda Ilhaan Cumar ee Soomaaliya?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaan katirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Mareykanka, ayaa Maanta safar ku timid magaaladda Garowe, ee xarunta maamulka Puntland.

Sida Keydmedia Online xogaha ku helayso, Ilhaan Cumar ayaa u timid Puntland inay qoyskeeda ay soo aragto, islamarkaana ay waqtigeeda fasaxa ah la qaadato, iyadoo safarkeeda uusan ahayn mid dowladda Mareykanka ku matelayso.

Puntland markii ay kasoo laabato, Waxay booqan doontaa Muqdisho, oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay, iyadoo safarkeeda Soomaaliya uu kusoo aadayo xili dalka ka jirto abaar daran oo dad gaaraya 8 milyan ay saameysay.

Ilhaan waxay Congress-ka Mareykanka ku biirtay 2019, iyadoo noqotay gabadhii ugu horeysay oo Soomaali ah oo gasha Baarlamaanka dalkaas, oo qaxooti ahaan ku tagtay burburkii kadib, iyadoo aan ku dhalan dalkaasi.

Waxay ku mateshaa gobolka Minnasota oo Soomaali badan ay ku nool yijiin, waxaana dhawaan ku guuleysatay markii 3aad inay Xildhibaan noqoto, iyadoo dhanka kale loo jeedinayo eedeymo la xiriira inay dhaqanka Islaamka meel uga dhacday, oo LGBT [Qowmu-luudka] taageertay.

Xisiga haya talada Mareykanka ee Dimuqraadiga ayay katirsan tahay, waxaana ay aad u dhaliili jirtay, oo kusoo caanbaxday Trump. oo Jumhuuriga ah, oo faageerooyinka ka afglagaadeyn jirtay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.