Maxay tahay arinta sida aadka loo hadal-hayo Muqdisho?

Muxuu Madaxweynaha cusub xilka kala wareegi doonaa Farmaajo maalinta Isniinta ee Todobaadka, iyadoo kadib uu haysto 30 maalmood inuu ku magacaabo Ra'iisul Wasaaraha cusub.

Warar Keydmedia Online
Maxay tahay arinta sida aadka loo hadal-hayo Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoyga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu ahaa maalmihii lasoo dhaafay mid mashquul badan, oo saacad walba ay tagayaan siyaasiyiin xil doon ah iyo diblomaasiyiin.

Madaxweynaha oo la doortay 15-kii May, ayaa ku mashquulsan qaabilaada dadka soo booqanaya, oo qaarkooda ku jiraan kuwa raadinaya xilka Ra'iisul wasaaraha, oo kasoo jeda Beelaha Daarood.

Shacabka Muqdisho ayaa waxay aad u hadal-hayaan magacaabista Ra'iisul Wasaaraha iyo cida noqon doonta, qof cusub mise waji la yaqaano, iyadoo aan la ogeyn xulushada Madaxweynaha.

Waxay ahayd doorashaddii Xasan Sheekh mid taariikhda gashay, maadaama Madaxweyne hore mar 2aad la doortay, taasoo muujinaysa in aan la rabin qof cusub oo aan la socon xaaladda dalka.

Muqdisho waxaa ku sugan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo olole ugu jira sidii qof ay wataan uu u noqon laaa Ra'iisul Wasaaraha, maadaama xilkan uu u xiran yahay beelaha ay ka dhasheen.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa suurtagal ah inuu keeno qof ay xulufo siyaasadeed yihiin, oo u dhashay Doorood, si ay iskula jaan-qaado dowladdiisa cusub, oo horyaalla shaqooyin culus.

Lama oga tareenka uu sheegay Xasan Sheekh inay raaci doonaan dad gaar ah, oo isaga ku dhaw, oo Damu-Jadiid ah, taasoo hadii uu sameeyo noqonayso inuu ku celinayo qalaadkiisa hore.

Xiligii xukunka Xasan Sheekh 2012-2017, waxaa ka macaashay dowladiisa saaxiibadiisa, waxaana dhacay boob hanti dadweyn, musuq-maasuq lagu sameeyay deeqaha caalamka iyo dhul-boob ka dhacay Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.