Maxay tahay carada reer GM ee la xariirta safarka F. Yaasiin?

Hadal-heyn xooggan ayaa abuurantay, kadib markii ay waftiga Fahad Yaasiin ee Baladweyne, ka soo muuqdeen Siyaasiyiin reer Galmudug ah oo uu ku jiro Senatorka reer Cadaado Shirwac.

Warar Keydmedia Online
Maxay tahay carada reer GM ee la xariirta safarka F. Yaasiin?

BALADWEYNE, Soomaaliya – Senator Saciid Siyaad Shirwac oo ka mid ah Xildhibaannada Aqalka Sare ee sanadkaan ka soo baxay Maamulka Galmudug, kana soo jeeda magaalada Cadaado, iyo Cabdikariim Khaliif Cabdi Dhalac, oo ka mid ah Musharixiinta HOP095, kana yimaada Koofurta Gaalkacyo, ayaa ka soo muuqday sawirrada waftiga Fahad Yaasiin ee shalay gaaray Baladweyne.

Arrinkan oo hadal heyn xooggan dhaliyay, ayay layaab iyo wax laga xumaado ku tlmaameen dadka reer Galmudug, halka ay Madaxweynaha Maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye, [Qoorqoor] ku eedeeyeen inuu dhaawac xooggan u geystay matalaadda Aqalka Sare ee Cadaado, maadaama uu Saciid Siyaad Shirwac, durba caddeeyay inuu ku jiro safka Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Cadaado, waxa ay baarlamaankii 11-aad heystay xilka Guddoomiye ku xigeynka 1-aad ee Aqalka sare, kaasoo uu ku fadhiyay, Senator Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo masuul ka ahaa in Golaha Odayaashu, ka madax-bannaanaado fara-galinta Farmaajo, shanti sano ee la soo dhaafay.

Abshir Bukhaari, wuxuu ka mid ahaa Xildhibaannadii, sida weyn kaga soo hor jeeday habka ay wax ku wadeen kooxda waqtigu ka dhmaaday, waxaana si gaar ah loogu xasuustaa dadaalkii uu ku bixiyay in ay caddaalad helaan hooyooyinka uu caruurtooda askareeyay Fahad, ee laga dagaal galiyay Waqooyiga Ioobiya.

Abshir Bukhaari, intii uu ku fadhiyay kusiga uu Qoorqoor u boobay Shirwac, wuxuu ahaa Senatorka kaliya ee xaafiis rasmi ah ku leh degaan doorashadiisa, Galmudug oo dhan, wuxuuna ka mid ahaa xildhibaannadii kaalinta muuqata ka qaatay is hor istaagga muddo kordhintii sharci darrada ahayd ee April 2021.

Cabdikariim Khaliif Cabdi Dhalac, dhankiisa, wuxuu baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay HOP095, wuxuuna muddo dheer ku daabnaa xaafiiska Fahad Yaasiin, waxaa lagu xasuustaa taageeradii uu Farmaajo la garab istaagay bishii April, gaar ahaan habeenkii Gorgor iyo Haramcad duullaanka ku qaadeen xaafadda Shiirkole.

Dhalac, wuxuu hadda mar kale u sharaxan yahay kursiga HOP095, oo yaalla Koofurta Gaalkacyo, wuxuuna kobaha u sidaa Fahad Yaasiin, si uu u helo kursigaan. Is-weydiintu waa mar kale, Dhalac ma hanan doonaa kursigaan iyadoo la og yahay in uusan dan degaan iyo midda dadka leh ugu shaqeyn doonin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.