Maxay tahay sababta uu u baaqdey Kulanka Baarlamaanka?

Waxaa sidoo kale baaqdey Kulankii Aqalka Sare, oo isna Maanta looga doodi lahaa Ansixinta Xubinta guddiga Dastuurka iyo wax ka baddalka Xeer-hoosaadka Aqalka.

Warar Keydmedia Online
Maxay tahay sababta uu u baaqdey Kulanka Baarlamaanka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Maanta kulankooda furmi waayay, kadib markii ay soo xaadiri waayeen tiradii Kooramka loogu tala-galay oo ah 139 mudane.

Waxaa kaliya yimid xarunta Villa Hargeysa 78 mudane, iyadoo xitaa uu muqnaa Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe, oo dhinac ka joogo Muqdisho, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa xili inta badan Xildhibaanada safaro dibadda ku kala maqan yihiin.

Waa nasiib darro in kulankeenii maanta uu qabsoomi waayey kooram la'aan awgeed," ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu.
 

Waxaa sidoo kale baaqdey Kulankii Aqalka Sare, oo isna Maanta looga doodi lahaa Ansixinta Xubinta guddiga Dastuurka iyo wax ka baddalka Xeer-hoosaadka Senate-ka, oo 54 xubin ka kooban.

Baaqashadda kulanka waxuu kusoo beegmayaa xili ay jiraan labo Mooshin oo Xildhibaanada soo gudbiyeen, sida uu xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo dhawaan ku baaqey in taliyaha Xoogga dalka Jen Odowaa iyo Mahad Salaad, agaasimaha NISA la horkeenno Gollaha si arrimaha amniga wax looga waydiyo.

Sheekh Aadan Madoobe oo ah afhayeenka Gollaha Shacabka ayaa lagu eedeeyay inuu ka billaabey Gollaha Shacabka Mooshino uu ku abuurayo fowdo siyaadeed, oo dalka xiligan aan xamili karin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.