Maxay yihiin 3da balan-qaad uu Xasan Sh u sameeyay Maamullada?

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay inaysan dowladiisa cidna duulaan ku ahayn, oo ay ka shaqeyn doonto sidii dalka horey loogu dhaqaajin lahaa.

Warar Keydmedia Online
Maxay yihiin 3da balan-qaad uu Xasan Sh u sameeyay Maamullada?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saddex arrimood u balan-qaadey Madaxda Maamulada, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii 15-kii bishii lasoo dhaafay dhacday.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni, oo la hadlay Wargeyska The Economist ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu qado-sharaf ku sameeyay markii la doortay madaxda Maamullada dalka.

Wuxuu inuu balan-qaaadey inuu talada dalka nala wadaagi doono, islamarkaana uu dhameytiri doono Dastuurka KMG ah ee Federaalka," ayuu yiri Deni.

Qodobka 3aad ee uu Xasan Sheekh u balan-qaadey Maamulada ayaa ah in dowladdiisa aysan cidna duulaan ku ahayn, islamarkaana wixii shalay dhacay intii lagu jiray ololaha doorashadda aan la isku raacan doonin.

Qodobka dambe wuxuu ka farxiyay Lafta-Gareen iyo Qoor-Qoor oo guul-wadiyaal u ahaa Farmaajo, kuwaasoo markii uu beesha ka baxay maamulkii iyaga soo dhisay lasoo gudboonaatay cabsi iyo walaac ku saabsan in xilka laga tuuri doono.

Xasan Sheekh ayaa Baydhabo iyo Dhuusamareeb u tagey sidii uu arintaas uga soo qancin lahaa labada hogaamiye, oo Xasan Sheekh ugu baaqey inay qeyb ka noqdaan hanaanka dowladda cusub ay dalka ku maamuli doonto.

Madaxweynaha cusub ayaa la filayaa in Muqdisho lagu caleema-saaro 9-ka bishan, waxaana kadib uu ku dhawaaqi doonaa Ra'iisul Wasaaraha cusub, oo ka imaanaya Beesha Daarood.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.