Maxay yihiin 3da nooc ee Xasan Sheekh sheegay in loo galo Al-Shabaab?

Kooxda waxaa lagu tilmaamay inay tahay mida ugu dhaqaalaha badan Kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacidda ee ka dagaalama dunida.

Warar Keydmedia Online
Maxay yihiin 3da nooc ee Xasan Sheekh sheegay in loo galo Al-Shabaab?

WASHINGTON - Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Machadka CSIS ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Al-Shabaab tahay koox wajiyo badan, oo dadka ku jira ujeedooyin kala duwan ugu jiraan.

Saddex nooc kala yihiin dadka ku jira Al-Shabaab - hogaamiyeyaasha sare oo caqiido ugu jira, kuwa tabasho iyo aargoosi u galay iyo kuwa ugu badan oo ah dhalinyaro oo dano dhaqaale u galay, kuwaasoo markii bisha dhamaato la siiyo $70-$100 dollar. sida uu sheegay Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xusay in ay dhawdahay dhamaadka waqtigii Al-Shabaab, isagoo rajo ka muujiyay kacdoonka billowdo inuu mira-dhali doono, oo dadka iyo dowladda ay soo afjari doonaan joogitaankeeda degaanada kala duwan ee Koonfur iyoo Bartamaha dalka.

Xasan Sheekh wuxuu kaloo sheegay in Mareykanka sababta ugu weyn u tagey tahay inuu maamulka Biden waydiisto taageero ka duwan tii hore, si dowladiisa hal sano ugu soo afjarto Al-Shabaab.

Waxaan la dagaalamaynay Al-Shabaab 15 sano, ma doonayno in 15 kale sii socdo dagaalka, waxaana rabna inaan soo gabagabeyno joogitaanka Kooxda dalka Soomaaliya, waxaana taageero waydiisanay Mareykanka, oo ah dal awood leh oo hadii uu dagaalka soo galo, wadamada kalena kusoo dayan doonaan," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dagaalka socda waxaa la sheegay inuu ka duwan yahay kuwii hore, maadaama dadka degaanka oo dhibaatada u dulqaadan waayay ay hubka qaateen, si Al-Shabaab isaga celiyaan, waxaana kamid ah meelaha iska-caabinta ka socoto Hiiraan iyo Galgaduud.

Mareykanka ayaa la filayaa inuu dhinaca hawada ka taageero Ciidamada dhulka kula dagaalamaya Al-Shabaab, waxaana hadii howlgalkan guuleysto ay taariikhda dahabiga u galaysaa Xasan Sheekh, oo noqon doono Madaxweynihii ka adkaaday Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.