Maxay yihiin 3da qodob ee Blinken kala hadlay Xasan Sheekh?

Xasan Sheekh ayaa la kulmay tan iyo Khamiistii dhowr Mas'uul oo katirsan dowladda Mareykanka, kuwaasoo ay kamid yihiin la-taliyaha amniga qaranka Biden iyo Wasiirada difaaca iyo dibadda.

Warar Keydmedia Online
Maxay yihiin 3da qodob ee Blinken kala hadlay Xasan Sheekh?

WASHINGTON - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Washington kula kulmay Antony Blinken, oo ah Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka oo ay isla lafa-gureen xiriirka labada dal iyo arrimaha ka taagan Soomaaliya.

Blinken ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray inuu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo kala ah - xasilinta Soomaaliya, maamul wanaaga, iyo xaaladda bini'aadannimo.

Waan ku faraxsanahay in aan Madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmo Washington, oo aan kawada hadalnay xasilinta, maamul wanaaga, iyo xaaladda bani'aadamnimada," ayuu yiri Blinken.

Blinken ayaa u sheegay Xasan Sheekh in Mareykanka ka go’an tahay in uu dadka Soomaaliyeed ka caawiyo ka hortagga argagixisada, macluusha, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo badbaadinta nolosha dadka oo khatar ku hayso Kooxda Al-Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa la kulmay tan iyo Khamiistii dhowr Mas'uul oo katirsan dowladda Mareykanka, kuwaasoo ay kamid yihiin la-taliyaha amniga qaranka Biden iyo Wasiirka difaaca oo la dagaalanka Al-Shabaab kawada hadleen.

Washington ayaa safka hore uga jirta dalalka Soomaaliya ka caawiya dhanka amniga, la dagaalanka Al-Shabaab iyo dib u dhiska Ciidamada, iyadoo ay tababartay Danab, oo ah unu firfircoon oo kamid ah militeriga.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.