Maxay yihiin askarta laga keenay Jabuuti ee kasoo degay Muqdisho?

TV-ga dowladda ayaa sheegay in dufcadii 17-aad ee ciidamo boolis ah oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti dib ugu soo laabtay gobolka.

Warar Keydmedia Online
Maxay yihiin askarta laga keenay Jabuuti ee kasoo degay Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Askar ka tirsan booliiska Soomaaliya oo tababar kusoo dhameystay dalka Jabuuti, ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, sida uu sheegay TV-ga Qaranka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo garoonka ku soo dhaweeyay saraakiishan ayaa sheegay in tababarka ay si wadajir ah u fulinayeen macalimiin ka kala socday dalalka Jabuuti iyo Talyaaniga.

Tababarkan waxaa iska kaashaday dowladaha Talyaaniga, Jabuuti iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Mudane Xijaar oo intaas ku daray in macalimiin Talyaani ah ay saraakiishan ku wehliyaan Muqdisho.

Xijaar ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay ku biiri doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

TV-ga dowladda ayaa sheegay in dufcadii 17-aad ee Ciidamo boolis ah oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyadoo la dardargelinayo tababarka Ciidanka kala duwan ee Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.