Maxay yihiin Balanqaadyadii Uhuru u sameeyay Xasan Sheekh?

Kenya ayaa hadda heshay fursad wanaagsan oo Qaadkeedii dib ugu soo celin karto suuqa Soomaaliya oo labo sano xayiraad ka saarnaa.

Warar Keydmedia Online
Maxay yihiin Balanqaadyadii Uhuru u sameeyay Xasan Sheekh?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa u balan qaaday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu dib u furi doono xuduudaha labada dal.

Isagoo ka hadlayay xafladdii Caleema-saarka Xasan Sheekh Maxamuud ee Khamiista, June 9, Uhuru ayaa balan-qaadey in uu ka shaqeyn doono sidii loo kordhin lahaa duulimaadyada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in tallaabadan ay tahay mid sare u qaadaysa ganacsiga u dhaxeeya labada dal, islamarkaana dhaqaalaha kor loogu qaadi doono.

Runtii Kenya waxay aqoonsan tahay in xasiloonideenna iyo wanaaggeenna dhaqaale ay ku tiirsan yihiin Soomaaliya iyo gobolka," ayuu yiri Uhuru.

Dhanka kale, waxa uu ballanqaaday in Kenya ay sii ahaan doonto saaxiib la isku haleyn karo iyo mid ay ka go’an in nabad lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya oo 30 sano dagaallo kusoo jiray.

Rabitaanka Kenya waa inaan sii xoojinno xiriirka dhow ee ka dhexeeya labadeena dal ee iskaashiga dhaqaalaha-bulsheed, xasilloonida gobolka taasoo ah maslaxadda ugu wanaagsan dadkeena," ayuu raaciyay hadalkiisa.

Si ka duwan booqashooyinkii hore, Uhuru wuxuu doortay inuu isticmaalo diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Cirka Kenya, iyadoo khubarada dhinaca ammaanka ay sheegeen in tani ay sabab u tahay amni darrada ka jirta Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha Kenya waxaa ku wehliyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo isna kulan gaar ah la yeeshay Xasan Sheekh, isagoo doonaya inuu bog cusub u furo xiriirka.

Kadib weeraradii argagixiso, Kenya waxa ay bilowday dhismaha darbiga u dhaxeeya xuduuda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya si ay uga hortagto in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay u gudbaan dhanka Kenya si ay weeraro uga geystaan.

Arinta derbiga, muranka badda, joojinta Qaadka Miiraa waxay ahaayeen qodobo khilaaf abuuray, oo sababay in Farmaajo xiriirka u jaro Kenya, iyadoo hadda Xasan Sheekh uu muujiyay inuu caadi kusoo celin doono cilaaqaadka labada dal ee deriska ah.

Tallaabada ugu horeysa ee uu qaadey Xasan Sheekh, ayaa ah inuu qaadey xayiraadii Qaadka, oo labo sano aan la keenin Muqdisho, iyadoo la keeni jiray bedelkiisa Qaadka Itoobiya oo Farmaajo walaakiisa ka macaashay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.