Maxay yihiin Caqabadaha dib u dhigay doorashadda Gollaha Shacabka?

Illaa hadda waxaa la doortay 248 kursi, taasoo ka dhigan 90% inay Xildhibaannada cusub soo baxeen, iyadoo inta hartay ay ku dhiman yihiin HirShabeelle iyo Jubbaland.

Warar Keydmedia Online
Maxay yihiin Caqabadaha dib u dhigay doorashadda Gollaha Shacabka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Doorashadda Gollaha Shacabka oo soo billaabatay November 2021 ayaan weli dhamaan, iyadoo 5 bilood lagu doortay 248 Xildhibaan, taasoo ka dhigaysa codbixintii ugu waqtiga dheerayd oo Taariikhda ka dhacda dal ku yaalla Caalamka.

Caqabadaha taagan ee dib u dhaca keenaya waxaa kamid ah Khilaafka Farmaajo iyo Axmed Madoobe ee doorashadda 16-ka kursi, ee taalla Garbahaarey iyo is-qab-qabsiga ka taagan Beledweyne, oo ah degaan doorashadda 2aad ee HirShabeelle.

Illa hadda 11 kursi ayaa ku dhiman HirShabeelle, oo Beledweyne iyo Jowhar taalla, waxaana jira is-mariwaa u dhaxeeya Beelaha leh Kuraasta, oo faragelin lagu hayo, iyadoo Beledweyne ay ka dhaceen dagaallo iyo qaraxyo intii socotay doorashadda, kuwaasoo dad badan ay ku dhinteen.

Khilaafaadka siyaasadeed iyo faragelinta Villa Somalia ayaa ah labada caqabad ee ugu waaweyn, ee keenay in dhowr jeer doorashadda Baarlamaanka dib uga dhacdo waqtigii loo qorsheeyay in lagu soo gabagabeeyo, oo ugu dambeysay 15-kii bishan March.

Doorashadda Soomaaliya waxaa hareeyay musuq-maasuq xoog leh, iyadoo ay noqotay mid magacaabis ah, oo Madaxda Maamullada qofka ay xulufada yihiin, waxaana loo kala baxay Mucaarad iyo muxaafid. Musharixiin badan ayaa loo diiday tartanka.

Hufnaan la'aanta doorashadda waxay niyad jebisay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibadda Beesha Caalamka, oo hakiyay dhaqaalihii dalka ay siin jireen, iyagoo shardi uga dhigay in la saxo qaladaadka jira.

Farmaajo oo ah Musharax raadinaya mar 2aad kursiga uu mudada ka badan shanta sano ku fadhiyay, isagoo ku tashanaya kuraasta laga soo doortey Koonfur Galbeed, HirShabeelle, Galmudug iyo Garbahaarey, oo ah degaanka uu kasoo jeedo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.