Maxey ka wada hadleen Aaden Madoobe iyo Lafta-gareen?

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aaden Maxamed Nur (Madoobe) ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.
 

Warar Keydmedia Online
Maxey ka wada hadleen Aaden Madoobe iyo Lafta-gareen?

MUQDISHO,Soomaaliya- Kulanka ay yeesheen gudoomiyaha aqalka hoose iyo Lafta-gareen ayaa si weyn loogu lafa guray xaaladda abaaraha ka jirta gudaha dalka oo hadda mareysa meel halis ah.

Waxaa kulanka lagu soo qaaday, sidii ay gurmad u heli lahaayeen dadka ay abaartu saameysay ee ku nool gudaha dalka gaar ahaan deggaanada uu ka arrimiyo Maamulka Koonfur galbeed.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya, kuwaa oo iyaguna fikradahooda ku biirinayey labada masuul.

Saacadihii uu kulanka socday ayaa waxaa lagu dheeraaday ka hadalka, barakacayaasha tuban duleedka Muqdisho, kuwaas oo badankooda ka soo cararay abaaraha ku dhuftay gobollada uu gacanta ku hayo maamulka Lafta-gareen.

Si kastaba, Lafta-gareen oo cabsi xooggan ka qabo inuu waayo kursiga Koonfur galbeed, ayaa maalmahan ku sugan Muqdisho, wuxuuna kulamo uu saaxiibo ku sameysanayo la yeelanayaa madaxda ugu sareysa dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.