Maxkamada Milatariga oo toogasho fulisay

Muqdisho (keydmedia) Maxkamadda ciidamada milatariga dowlada KMG ah ayaa saakay waabariga ku fulisay xukuno dil ah shaqsiyaad ka tirsanaa ciidamada.
Warar Keydmedia Online

Xukunadan ayaa lagu fuliyay askar hore u dishay ciidamo ka tirsanaa dowlada KMG ah, waxaana xukunkan toogashada ah lagu fuliyay seddex askari oo laba ka mid ah ay ahaayeen Miltari halka kan kalana uu ahaa Boolis.

Sida uu sheegay gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida shaqsiyaadka xukunka dilka ah lagu fuliyay magacyadooda ku kala sheegay C.casiis Muxudiin Gacal oo dilay askai ka tirsan ciidanka dowlada, Cantoob carabow Cadaan oo sidoo kale toogtay askari kale oo ciidamada ah iyo Mowliid Max’ed Xasan oo ku dilay KM4 nin darawal ka ahaa gaadiid dadweyne.

Dabayaaqadii sanadakii tagay ee 2010 ayeey aheyd kolkii maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukun ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowlada xukun dil ah lagu fuliyay.

Www.keydmedia.net

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.