Maxkamadda Hargeysa oo Xukun ku riday Tifaftiraha Wargeyska Waaheen

Hargeysa(keydmedia) Maxkamadda Magaalada Hargeysa ayaa maanta xukun isugu jira xarig iyo ganaax ku riday Tifaftiraha Wargeyska Waaheen ee ka soo baxay magaalada Hargeysa.
Warar Keydmedia Online

Max’ud Cabdi Jaamac(Xuunto) ayeey maxkamaddu ku xukuntay seddex sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan ($900) kadib markii sida la sheegay ay ku cadaadeen eedeymo loo heestay dhawaanahan.

Garsooraha qaadayay dacwaddan Cali Suudi Diiriye ayaa  sheegay in ay soo eedeeyeen suxufigan Taliyaha Ciidamada Booliska Cilmi Roobleh Furre iyo Maareeyaha Wakaaladda Korontada ee Hargeysa, kuwaas oo soo oogay dacwad la xidhiidha warar been-abuur ah oo ay sheegeen in uu Wargeysku ka qoray, taas oo ay sheegeen in ay ku caddaatay..

Xukun maxkamadeedkan maanta lagu riday wariyaha ayaa ku soo beegmaya xili Suxufiyeenta Soomaaliyeed ay shalay u dabaal dageen 38 guuradii ka soo wareegtay maalinta warfaafinta Soomaaliya 21-janaayo.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.