Maxkamadda Hargeysa oo xukuntay nin u dhashay Jarmalka

Hargeysa(keydmedia) Maxkamadda Magaalada Hargeysa ee maamulka Somali-land ayaa xukun maxkamadeed 4 sana ah ku riday muwaadin u dhashay Jarmalka oo ku eedeesnaa falal anshax xuma ah.
Warar Keydmedia Online

Ninkan jarmalka ah ee la xukmay ayaa lagu magacaabaa Gunter Pischof Albert, waxaana  xukun maxkamadeedkiisa loo cuskaday  in isaga oo miir qaba uu kula duubay Haween Soomaaliyeed filim iyo sawiro lidi ku ah anshaxa suuban ee Islaamka.

Sidoo kale waxaa xukun maxkamadeed 1 sana ay maxkamada ku riday Haweeney aan magaceeda la sheegay oo 23 sano jir ah taasoo ka qeyb aheyd Haweenkii ka dhex muuqday Filimadaasi.

Dhanka kale maxkamadda ayaa ku xukuntay labadan qof ganaax lacageed oo kala ah 10 kun oo doolar ninka Jarmalka ah halka Gabadha Soomaalida ah lagu xukumay 880 doolar.

Eeda loo heesto ninkan ayaa dhawaantanba waxa ay aheyd mid gilgishay magaalooyinka uu ka taliyo maamulka Somali-land gaar ahaan magaalada Hargeysa.

keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.