Maxuu yahay balan-qaadka UN-ka ee la dagaalanka Al-Shabaab?

Xanuunka baahsan ee uu sababay weerarkan naxdinta leh ayaa weli ah mid taagan oo mar walba cusub, waxayna dadka ku waawayay xubnaha qoyskooda iyo asxaabta ay xasuustaan dhibka.

Warar Keydmedia Online
Maxuu yahay balan-qaadka UN-ka ee la dagaalanka Al-Shabaab?

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobey ayaa Jimcihii shalay wacad kui martay inay kordhin doonto taageeradda ay ka siinayso Soomaaliya la dagaalanka Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay UNSOM ayaa lagu sheegay in QM ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee dadaalka iyo halganka ugu jira inay soo afjaraan khatarta iyo joogitaanka Al-Shabaab.

Sidoo kale, UN waxay bogaadisay tallaabooyinka la qaadey ee Al-Shabaab looga saarey degaannada badan, kuwaasoo muujinaya in dalka uu cagta saarey wadadii nabadda iyo xasiloonida.

James Swan, ergayga QM ayaa xusay in Soomaaliya ay qaadey  howlgal military, oo isku tashi ah, iyadoo aan ku tiirsanayn Ciidan shisheeye, waxayna muujisay inay ku filan tahay dagaalka Al-Shabaab.

Hadalka Swan ayaa yimid maalintii shalay oo 5 sano kasoo wareegtay qaraxii Zoobe, oo lagu dilay 587 qof, sidoo kalena lagu dhaawacay 316 qof, 14-kii October 2017.

Xanuunka baahsan ee uu sababay weerarkan naxdinta leh ayaa weli ah mid taagan oo mar walba cusub, waxayna dadka ku waawayay xubnaha qoyskooda iyo asxaabta ay xasuustaan dhibka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.