Maydka ruux shacab ah oo la soo dhigay waddo ku taallo Muqdisho

Maydka Wiil da' dhexaad ah ayaa Saaka la soo dhigay waddada 30-ka gaar ahaan inta u dhaxeyso Isgoysyada Black-sea iyo Baar Ubax ee Muqdisho. 

Warar Keydmedia Online
Maydka ruux shacab ah oo la soo dhigay waddo ku taallo Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Maydka ruux Shacab ah oo la sheegay in uu ahaa Rag ayaa Saaka lagu arkay inta u dhaxeyso Isgoysyada Black-sea iyo Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa waxaa korkiisa ka muuqday dhaawacyo daran oo loo geystay ka hor inta uusan geeriyoon, waxaana dad goob joogayaal ah sheegayaan in Meydka Marxuumka la kor saaray Midiyo iyo Baangado u muuqday in lagu dilay.

Ciidamada Amaanka ayaa goobta gaaray, iyagoona maydka Marxuumka u qaaday xarunta hay'adda dembi baarista CID ee Muqdisho, halkaasoo lagu baarayo.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa uu ahaa ruuxa maydkiisa waddada la soo dhigay, cidda dishay iyo sababta ka dambeyso.

Halka wax ka dhaceen ayaa u dhow Dabaqa Salaama oo khamiistii la soo dhaafay qarax lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, islamarkaana lagu dilay sarkaal ka tirsan Hay'adda NISA. Qaraxaas ayaa waxaa geystay Haweeney isi soo miidaamisay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.