Maynu Garan Waxa Innaga Hortaagan Aqoonsiga!

Somaliland waxay soo martay Seddex marxaladood oo hore oo kala ahaa marxaladii Xoriyada oo uu ku suntan yahay Marxuum Cabdiraxman Tuur, Marxaladii Dib u heshiisinta iyo dib u dhiska Qaran oo uu ku suntan yahay Marxuum Cigaal...
Warar Keydmedia Online

Marxaladii Dimoqoraadiyada oo iyana ay taariikhda u gashay Mudane Daahir Rayaale iyo Marxaladan Afraad ee Madaxweyne Silaanyo oo laga filaayey inay noqoto marxalada dhamaystirka geedi socodka Qaran oo uu Dalku aqoonsi buuxa iyo horumar dhaqaale u gaadho.

Haddaba, Doorashadii 26 June 2010 iyo Xilwareejintii taariikhiga ahayd ee Indha Caalamka sida weyn usoo jiidatay , waxaa la filaayey in Somaliland la aqoonsado, balse waxay taasi gudhay markii uu Madaxweyne Axmed Silaanyo uu ku dhawaaqay hormaddii u horeysay ee Xukuumadiisa , iyada oo ay Beesha Caalamku ka dhex-halacsatay Shakhsiyaad ku shaabadaysan Laba Sumadood oo Wadamada Aduunka ugu Tunka weyni ay baadi goob ugu jireen muddo sida; Wadaadda Xagjirka ah iyo Budhcad Badeed.

Waxaana arintan markiiba dareen diidmo ah ka muujiyey Xukuumadda Wadamada Aduunka uga wakiilka ah Africa iyo waliba Geeska Africa ee Ethiopia, iyada oo ah waliba marinka uu Aqoonsigu inoo soo maraayey ah ,Rajada Aqoonsiguna uu ku xidhan yahay kolba dareenka ay inaga aaminsantahay Dawalada Ethiopaia , arinta kale ee budhcad badeeda oo iyaduna si dhaba uga soo shaac baxday Golaha Xukuumada Silaanyo kadib makii Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo uu Agaasime u magacaabay Nin ku Shaabadaysan Budhcad Badeeda uu Aduunku si weyn u raadinaayey waa Agaasimihii Wasaaradda Waxbarashada ee markii xilka laga qaaday u dhoofay Maraykan kadibna halkaa lagu xidhay amintana Jeelasha Maraykanka mid kamid ah ku jira.

Arintani waxay Bar- madaw iyo Rajo- beel ka dhigtay Aqoosnigii Somaliland ka sugaysay Beesha Caalamka. Arinta labaad ee iyana Ragaadisey Ictiraafka waxay tahay; waxaan xusuustaa qudbad uu AHN

Wasiirkii Arimaha Dibeda ee Xukuumadii Cabdiraxman Axmed Cali "Tuur" Marxuum Sheekh Yusuf sanadkii 1992 ka jeediyey khayriyada Magaladan Hargeysa taas oo ay ka mid ahayd " Somaliland waxaan Galiyey Computerka Caalamka" Shacabka Somaliland wakhtigaa Aqoonta ay computerka u lahaayeen aad bay u liidatay ama mabay aqoonba, aad ayaa loogu sacabiyey hadalkaa waxaana todobaadyo la isla dhexmaraayey Somaliland waa la aqoonsanayaa oo Computerkii Aduunka ayaa lagaliyey.

Haddaba waxa uu Madaxweyne Silaanyo u magacaabay Wasaaradii Arimaha Dibeda ee masuulka ka ahayd Aqoonsi raadinta wiil Qurbajooga oo haddalka uu yidhaahdaaba uu yahay " Waxaan ka qayb galay shir caalami ah" shirarkaa uu sheegaana waa shirar meeqaamkii qaranimo dhaawac weyn u gaystay markii uu Goob la fadhiistay Maamul Goboleedyada Somaliya. Waxa uu ka leexday marinkii Ictiraaf ku iman lahaa, waxaanu uu shacabka ku maaweeliyaa Khayaal aan waxba ka jirin, balse shacabku maanta ma aha shacabkii 1992.

Madaxweyne Axmed Silaanyo ayaa laga hayaa wakhtigii uu Mucaaridka ahaa mar uu tagay Nayrobi ; Odhinga ( Raysal Wasaaraha Kenya) ayaa i weydiiyey Adna Adan oo Seddex Sanno ka hor Wasiirnimada kasii maqan , isaga oo haddalka ula jeeday Wasiirkii Arimaha Dibeda ee Rayaale Mr Cabdillahi Maxamed Ducaale ayaan gaadhin halkii Ictrifaafku uu yaalay , Maanta waxaan leeyahay Inna Cabdillahi Cade shaqadiisu waxay ku soo ururtay diyaada uu sii raaco iyo mid uu soo raaco , lacag khasaartay, iyo khasaare uu lasoo guryo noqdo.

Arinta Seddexaad ee aan aaminsanahay sidoo kale inay Ragaadisay Aqoonsiga waxay tahay Midnimaddii iyo Wadajirkii Shacabka Somaliland oo aad u Wiiqantay Muddada Hogaaminta Madaxweyne Silaanyo,taas oo ka dhalatay cadaalad daro iyo qaybi oo xukun lagu eekeysiiyey ummada , Cabudhin Saxaafadeed, haddii ay noqon lahayd Habqaybsiga Maamul, Dhaqaale, Horumar goboleed intaba, Takoor Qayb-kamid ah Saxaafadda Madaxa Banaan

Tusaale ahaan muddada sanadka ah ee Xukuumada Silaanyo waxa Gobolada Bari laga hirgeliyey boqolaal Mashruuc iyada oo ay Goboladaana booqdeen Wufuud Xukuumada Silaanyo ka tirsan oo aad u badan, oo uu xataa Madaxweyne Siilaanyo uu ka kamid yahay iyadda oo Seddexda Gobol ee Galbeedka sida; Gabiley ,Awdal iyo Salal ayna hal wafti gaadhin inta Xukuumadu jirtay, marka laga reebo Wasiir Gaboose iyo Chief of Cabinetka oo Boorama u tagay Arimo siyaasadeed.

Taasi waxay keentay in Nolosha iyo Horumarkii Goboladaasi uu meel xun maraayo, lana dayacay, Lagana gadoomiyey Somaliland inteeda kale, arimo siyaasadeedna meesha ayna ka madhnayn, walina ay sii muuqato Mucaawimadii Wadamada Carabtu inagu caawiyeen ee gabi ahaanateed loo duway Gobolada Bari sida uu BBc da ka sheegay Madaxweyne Silaanyo, Maxsuulka kasoo baxayna ay noqotay diidmada qaranimada ee qurbajooga reer Awdal.

Waxaan u sheegayaa shacabka Gobolada bari in aanan ka xumayn wixii loo qabanayo balse aan u adkaysan waaweyey cadaalad darada uu Silaanyo kula kacay ummada ku dhaqan qaar kamid ah Gobolada Dalka iyo cawaaqibka ay qaranimada iyo aqoonsigiiba ku keentay.

Gabagabadii, Madaxweyne Silaanyo waxaan kula talinayaa halka aad Qaranka dejisay iyo hab-dhaqanka aan sare kusoo xusay maaha meeshii haboonayd ee lagaa filaayey , mana aha tubtii aqoonsiga aynu ku gaadhanay , ee waa wadiiqo dib u dhac iyo qaran jab ee dib uga noqono siyaasada aad dalka ku hogaaminayso.

Wabillaahi tawfiq
Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Hargeysa,Somaliland
ixsaan2002@hotmail.com

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.