Qoor-Qoor halkee buu u wadaa Galmudug?

Galmudug ma helin hogaan sax, oo ka shaqeeya danaheeda, waxaase madax u noqday shaqsiyaad NGO ka dhigtay oo danahooda gaarka ka fusha.

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor halkee buu u wadaa Galmudug?

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Maamulka Galmudug ayaa soo wajahay hubanti la'aan mustaqbalka kadib markii ay dib usoo rogaal-celisay bishan Ahlu Sunna oo degaanno la wareegtay.

Ahlu Sunna inay dib usoo laabato waxaa keenay tabasho ay qabaan hogaamiyeyaasheeda, oo horaantii sanadkii tagey si fool xun loola dhaqmay, islamarkaana laga saarey Dhuusamareeb.

Siyaasad xumo iyo adeegsiga awood militeri ayaa keentay in Galmudug ay gashay marxaladda Maanta ay ku jirto, iyadoo soo ifbaxeen colaadd cusub oo ka huraya gobolka Galgaduud.

Halku-dhigii Qoor-Qoor kusoo galay doorashadda ee ahaa "Waayo arag isku wadi kara" wuxuu noqday Maanta dagaal ooge wax burburiya kadib markii sida uu sheegay Wasiirkiisii Amniga Axmed Macalin Fiqi uu wadada wadahadalka iyo Nabada ka doortay dagaal inuu la galo Ahlu Sunna, isagoo adeegsanaya Ciidamo Fahad Yaasiin iyo Farmaajo u direen.

Dadka reer Galmudug, waxuu Qoor-Qoor kasoo xiray albaabkii ugu dambeeyay ee dowladnimada iyo horumarka, iyadoo Xildhibaanno kasoo jeeda degaanka ay rajo xun ka muujiyeen sida uu wax u wado Madaxweynaha, iyagoo sheegay in hadii dagaal uu dhaco ay meesha ka baxayo nidaamkii ka jiray Dhusamaareeb.

Wasiir Fiqi oo maalin kahor iska casilay xilka ayaa sheegay in Qoor-Qoor uu diiday inuu la fariisto Ahlu Sunna, islamarkaana uu wadahadal ku dhameeyo tabashadooda, si looga baaqsado dagaal, balse taasi uu ka diiday, isagoo fulinaya amar uga yimid Villa Somalia, gaar ahaan Yaasiin uu aaminsan in qoriga caardiisa wax lagu xaliyo.

Qoor-Qoor wuxuu mudooyinkii dambe ka wadey Dhuusamareeb shirar isdaba joog ah, isagoo diyaarinaya duulaan dib loogula wareegayo Guriceel, oo ah magaaladda ugu weyn hadda Ahlu Sunna qabsatay, waxaana caasimadda Galmudug kusii qulqulaya Ciidamada Gorgor oo Muqdisho laga diray.

Xaaladda Galmudug ayaa hadda ah mid kacsan oo la isku hub iyo ciidan aruursanayo, mana la oga halka uu Qoor-Qoor u hogaamin doono Maamulan mudada dheer dhismihiisa iyo dib u heshiisiintiisa laga shaqeynayay.

Galmudug waxay ku dhisan tahay 11 qabiil oo degaanka wada dega, inkastoo lagu kala badan yahay, haddana waxaa ka dhaxeeya maamulka iyo nabad-gelyada oo ila wada ilaashanayeen, waxaana jiray hal cadow oo ay lahaayeen kaasoo ah Kooxda Argagixisadda ee Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.