Meydka qof dumar ah oo laga helay Muqdisho

Ciidamada Booliska dowladda ayaa goobta gaarey, iyagoo sameeyay howlgallo baaritaan ah, iyadoo meydka haweeneyda la geeyay xarunta CID-da.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Dadka ku nool degmada Kaaraan,ayaa saakay kusoo toosay meydka qof dumar ah oo yaalla xaafadda Buulo-Maxaay, iyadoo aan la ogeyn cida ka dambeysa dilka iyo kuwa meesha soo dhigtay.

Waxay ahayd dhacdo argagax leh, waxaana la sheegay in Booliska Dowladda ay goobta tageen, kadibna ay kasoo qaadeen meydka Haweenayda, oo la dhigay xarunta CID-da, waxaana ku socda kiiska dilka ah baaritaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.