Midowga Musharaxiinta oo deeq gaarsiiyay Isbitaal lagu daweeyo Covid-19

Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa deeq dawo ah gaarsiiyay mid kamida Isbitaalada lagu daweeyo dadka qaba xanuunka Covid-19

Warar Keydmedia Online
Midowga Musharaxiinta oo deeq gaarsiiyay Isbitaal lagu daweeyo Covid-19

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo ay si xowli ah ku socoto soo laba-kacleynta caabuqa Covid-19 ee waddanka Soomaaliya ayaa waxa ay cabsho kasoo yeereysa goobaha lagula tacaalayo dadka uu soo ritay xauunka halista badan ee Caabuqa Covid-19.

Guddi ka wakiil ah golaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa deeqda gaarsiiyay Isbitaal lagu magacaabo Dr. Sumait oo ay leedahay Jaamacadda SIMAD oo kamida jaamacadaha magaalada Muqdisho.

"Waxaan maanta deeq ah qalab caafimaad oo lagula tacaalo COVID-19 gaarsiinay Isbitaal Dr. Sumait annagoo ka wakiil ka ah Golaha Midowga Murashaxiinta" ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo wakiil ka ahaa Golaha midowga musharaxiinta.

Horay ayey sidan oo kale deeq isugu jirta qalab iyo dawo caafimaad ugeeyeen Isbitaalka ugu weyn ee lagu dabiibo xanuunka ee Martiini, waxaana maanta ay ku guuleysteen in ay tiro Oxygen ah ay geeyaan isbitaalka oo ay ka jirtay baahi weyn oo dhanka Neef-siiyaha bukaanada uu soo ritay Caabuqa Covid-19.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.