Midowga Afrika oo dalbaday in Cunaqabateyn la saaro xoogaga mucaaradaka

Muqdisho(Keydmedia) Dowladaha Afrika ayaa ka dalbaday qaramada midoway in cadaadis hawada iyo badda ah ay saarto xoogaga dowladda KMG ah ka soo horjeeda si loogu guuleesto amni ku soo celinta dalka.
Warar Keydmedia Online

Waxa ay tilmaameen dowladaha afrika in cuna qabateyntaasi ay hakin karto taageero xoogaga dowladda ka soo horjeeda ay suurta gal tahay in ay ka helaan dagaal yahanadda Alqaacida oo qeyba badan oo ka mid ah dunida muslimka xiligan dagaalo ka wada.

Ramtane Lamamr oo ah sarkaal sare oo ka tirsan midowga Afrika ayaa ka sheegay kulan golaha ammaanka ay lahaayeen in xoogaga mucaaradaka ay suurta gal tahay qatartooda in ay saameyso guud ahaan gobalka marka laga tago Soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay Midowga Afrika ayaa ku soo beegmaya xili ay dagaalo ka socdaan gobala badan oo mid ah dalka kuwaasoo u dhaxeeya xoogaga mucaaradaka iyo dowlada oo kaashaneysa Ahlu-sunna.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.