Milatariga Mareykanka oo si buuxda uga baxay Soomaaliya

Waa go'aan uu soo saarey Trump December 2020, kaasoo Ciidanka Mareykanka looga soo qaadayo dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

Warar Keydmedia Online
Milatariga Mareykanka oo si buuxda uga baxay Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ka bixitaankii Ciidamadooda ee Soomaaliya la dhameystiray, taasoo ka dhigan in dowladda Farmaajo isku tashato Mas'uuliyadda amaanka dalka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Khubarada qaar ayaa ka digay in bixitaanka Ciidanka Mareykanka oo lagu qiyaasay 700 oo askari oo dalka yimid waqtigii ugu xumaa Soomaaliya, oo Al-Shabaab awoodeeda kusii fidaysay dalka 2008 illaa 2011.

Kooxda xagjirka ah ee Al-Shabab oo xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa bedeshay xeeladaheeda sameynta bambaanooyinka, ayna sii wado weerarada bartilmaameedyada militariga iyo rayidka Muqdisho iyo meelaha kale.

Ka bixitaanka Mareykanka, ayaa ku soo aadaysa iyadoo wax ka yar hal bil ay ka harsan tahay xilliga ay Soomaaliya ka dhacayso doorasho qaran, oo lagu muransan yahay hanaanka loo marayo codbixinta.

Intii ay dalka joogeen, Ciidamada Mareykanka waxay dhiseen DANAB, oo ah unugu ugu fir-fircoon Ciidanka Soomaaliya, kuwaasoo ay u adeegsan jireen inay iska hor-mariyaan marka ay howlgallada ka fulinayaan goobaha ay maamusho Al-Shabaab.

Askarta Mareykanka ee laga saarey Soomaaliya waxaa loo wareejiyay dalal kale oo Afrikaan ah sida kuwa deriska, Kenya iyo Jabuuti, oo saldhiyo ay ku leeyihiin, halkaasoo la filayo inay kasoo qaadaan weerarada duqeymaha diyaaradaha drones-ka ay ka geystaan Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa haysata 7,000 illaa 10,000 oo dagaalayan, oo ka xoog badan kumanaanka Soomaalida iyo AMISOM isagu jira, maadaama laga adkaan waayay mudo 10 sano ka badan, iyadoo khatartooda ay sii xoogeysanayso.

Lama oga in Madaxweynaha cusub Joe Biden, oo 20-ka bishan xilka la wareegaya uu bedeli doono go'aanka Trump, oo kusoo celin doono Ciidamada gudaha Soomaaliya, maadaama Farmaajo dalbadey inaysan bixin, oo ay ka taageeraan dowladdiisa la dagaalanka Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.