KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xildhibaanno gaaraya 22 ayaa saxiixay Mooshinka oo lagu dalbaday in Wasiirka Amniga lagu horkeeno Baarlamaanka oo Su'aallo lagu waydiiyo.
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Xildhibaanno kamid ah Gollaha Shacabka ay u gudbiyeen Sheekh Aadan Madoobe Mooshin ka dhan ah Wasiirka Amniga Maxamed Axmed Doodishe.
Xildhibaanno gaaraya 22 ayaa saxiixay Mooshinka oo lagu dalbaday in Wasiirka Amniga lagu horkeeno Baarlamaanka oo Su'aallo lagu waydiiyo Doodishe, oo ka gaabiyay arrimha amniga dalka.
Xildhibaannada ayaa sheegay in amniga Muqdisho uu faraha ka baxay, oo weerarada Al-Shabaab ay halis ku yihiin noloshooda, mida Madaxda sare e dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Amniga ayaa ka badbaadey weerarkii Villa Rays, kaasoo muujiyay inay Al-Shabaab wali awood u leedahay inay beegsato meelaha muhiimka ah ee ku yaalla Caasimadda dalka.
Dood kulul ayaa ka dhacday Maanta Baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanadii hadlay oo uu ku jiro Daahir Amiin Jeesow ay sheegeen in loo baahan yahay si dhab ah in loola xisaabtamo madaxda amniga u xilsaaran.
Xildhibaanada Mooshinka saxiixay waxay dalbadeen in la keeno Baarlamaanka hortiisa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen Odowaa iyo Agaasimaha NISA Mahad Salaad, si su'aallo u waydiiyaan sida ay ugu fududaatay inay Al-Shabaab meel u dhaw Madaxtooyadda weerarto, iyadoo wadooyinka baro koontarool yaallaan, oo la baaro gaadiidka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.