Mu’aamarad loo maleegayo safarka MW Xasan ee Turkiga

Danjire Jaamac Cabdullahi, waxaa hore loogu eedeeyay jarriimooyin uu kula kacay qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Turkiga iyo inuu iska indho tiray dhibaatooyinka ajaanib nacaybka ku saleysan oo ay wajahayaan Soomaalida.

Warar Keydmedia Online
Mu’aamarad loo maleegayo safarka MW Xasan ee Turkiga

MUQDISHO, Soomaaloya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadib casuumaad uu Madaxweynuhu ka helay dhiggiisa dalkaas, Rajab Dhayib Erdugan, oo ka mid ah madaxda sida gaarka ah indhaha ugu heysa arrimaha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya.

Sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige, Wadahadallada labada Madaxweyne ayaa xoogga lagu saari doona adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan, kaasoo si xowli ah u soo billowday 10 sano ka hor, kadib booqashadii Erdugan ee Muqdisho 2011.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda inta uu ku guda jiro booqashada waxa uu la kulmi doonaa Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed sida Jaaliyadda iyo ganacsatada si uu uga xog-wareysto xaaladdooda guud iyo horumarrada ay sameeyeen, hayeeshee waxaa jira xogo sheegaya in shaqsiyaad ku sugan Ankara maleegayaan mu'aamarado ka dhan ah Madaxweynaha.

Xubno loo qaateen ah oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga, ayaa Keydmedia Online u sheegay in shaqsiyaad uu ku jiro Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullahi Caydiid, ay maleegayaan qorshe la doonayo in lagu fowdeyo kulanka Madaxweyne Xasan la yeelan doono jaaliyadda, si loo suurad xumeeyo safarka Madaxweynaha.

Xubnaha nala hadlay waxa ay sheegeen Danjire Jaamac oo ka mid ahaa safiirradii aadka ugu dhawaa Farmaajo, ayaa fududeyn doona in ay gudaha u galaan hoolka kulanka koox ay soo abaabuleen Fahad Yaasiin iyo shaqsiyaaad kale si ay u carqaladeeyaan kulanka Madaxweynuhu la yeelanayo Jaaliyadda.

“Jaamac wuxuu ogyahay in uusan xilka sii heyn doonin, sidaas awgeed wuxuu go’aansaday inuu kooxdii uu hore ula shaqeyn jiray ka caawiyo in la suurad-xumeeyo socdaalka Madaxweynaha ee Turkiga, u jeedku waa in shaqsiyaad la soo abaabulay Madaxweynaha ku orriyaan, xogtaas waa gaarsiinnay waftiga”. ayuu yiri Xasan Macallin.

Danjire Jaamac Cabdullahi, waxaa hore loogu eedeeyay jarriimooyin uu kula kacay qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Turkiga iyo inuu iska indho tiray dhibaatooyinka ajaanib nacaybka ku saleysan oo ay wajahayaan Soomaalida, gaar ahaan kuwa goobaha ganacsi ku leh magaalooyinka waaweyn ee Turkiga.

Kulanka Jaaliyadda kadib, Madaxweynuhu waxa uu booqan doonaa Dugsiga Tababbarada Kumaandoosta ee Isparta l, halkaas oo ay tababbar ku qaataan qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga ee dalka Soomaaliya ee Dowladda Turkiga tababarto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.