Midowga Musharixiinta oo qaadacay doorashadda socota

Waxay ka digeen cawaaqibka ka dhalan doono doorashadda la boobayo, hadii aan la joojin, islamarkaana dib loo sixin qaladaadka jira.

Warar Keydmedia Online
Midowga Musharixiinta oo qaadacay doorashadda socota

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta ayaa daqiiqado ka hor soo saaray hadal saxaafadeed, ku aaddan doorashooyinka Gollaha Shacabka ee ka socda Gudaha Dalka.

Mucaaridka ayaa sheegay, in aanay aqbaleynin qaabka ay u socoto doorashadda boobka ku sifeysan ee gudaha dalka ka bilaabatay dhawaan.

Midowga ayaa qiray, in la baal-maray odayaashii dhaqanka ahaa ee soo dooranayey xildhibannada, isla markaana aysan jirin wax ergo ah oo tababar loo furay, taa baddelkeedana ergada laga dhigay shaqaalaha rayidka iyo ciidamo ka tirsan dowladda.

Dhaleeceynta ku xusnayd war murtiyeedka ay soo saareen oo ka koobnaa dhowr qoddob, ayaa waxaa ku jiray in ay luntay madaxbanaanidii iyo dhex dhexaadnimadii guddiyada doorashooyinka heer dowlad gobleed, isla markaana guddiyadu ay yihiin kuwa aan  kala amar qaadaneynin.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayey ku eedeeyeen inuu dhiira galiyey qaabka ay wax u socdaan, xilli ay dhawaan ka dalbadeen inuu hakiyo doorashadda, taasoo uu ku ballan furay sida ay sheegeen.

Midawga Musharaxiinta ayaa tilmaamay, in doorashaddan boobka ku socota ay dalka u horseedi karto qalalaase, iyo xasilooni darro, iyagoo xusay in masuuliyada wixii ka dhasha ay qaadayaan dowladda fedraalka iyo madaxda maamul goboleedyada.

Mucaaradka ayaa tibaaxay in waxa socda aan doorasho lagu magacaabi karin, waxana beesha caalamka ay ka dalbadeen in ay soo fara galiso arrimaha taagan, oo u muuqda kuwa caqabad ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo nidaamkii qori isku dhiibka ahaa ee soo jiray 20-kii sano ee ugu danbeysay.

Halkan ka akhri war-murtiyeedka:

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.