MUDANE: U Jawaabidda Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar

Waxaan aad ugu riyaaqay qorshaha saddex geesoodka ah ee uu madaxweyne Hassan Sh. Mohamud ugu talaggalay in uu ku xididdo siibo Al-Shabaab oo muddo toban sano ka badan laf dhuun gashay ku noqday nabadgelyada iyo mashruuca dowlad-dhiska dalka.

Warar Keydmedia Online
MUDANE: U Jawaabidda Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar

Maqaalkii uu Cabdi Ismaaciil Samatar ku qoray wargeyska Dailymaverick waxa uu ahaa mid xiiso leh, dood cusubna abuuraya.

Waxa aan qirayaa kaalintiisa ku aaddan wax ku biirinta doodaha waaweyn ee ka taagan cilmibaarista Soomaalida, sidaas oo ay tahay, haddana waxaa ii cuntami weyday aragtidiisa ku aaddan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo halka uu ku soo dhammaan doono.

Si gaar ahaaneed, waxa uu dhaliilay qorshaha saddex geesoodka ah ee uu la yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku dooday “Haddii qabiilada la kiciyo, looguna baaqo in ay hubka qaataan si ay isaga xorreeyaan Al-Shabaab waxaa ka dhalan doonto natiijo la mid ah tii dhacday sanadkii 1991.” Waa dood jaban oo laciif ah.

Waayo beelaha maanta dagaalka ku jira ma ahan kuwii hore, duruufihii 1991 jirayna maanta ma jiraan oo wax badan ayaa isbeddelay.

Tan kale, wax nagu cusub ma ahan in qabiilooyinka ay hub isku qaataan, weligood ayay is dagaali jireeen, haddana way is dagaali doonaan laakiin waxa nagu cusub waxay tahay in hubkooda ay la soo aadaan dhanka dowladda, caqabadna ku noqdaan dowlad-dhiska dalka sida Alshabaab oo kale. Ma dhacayso, mana dhici doonto.

Qorshaha cusub ee saddex geesoodka ah

Waxaan aad ugu riyaaqay qorshaha saddex geesoodka ah ee uu madaxweyne Hassan Sh. Mohamud ugu talaggalay in uu ku xididdo siibo Al-Shabaab oo muddo toban sano ka badan laf dhuun gashay ku noqday nabadgelyada iyo mashruuca dowlad-dhiska dalka.

Waa qorshe muhiim ah oo waqti fiican ku soo aaday, waxa uuna mudnaan gaar ah siinayaa saddex meelood oo kala ah:

  • In lagu qaado dagaal militari
  • Mid feker ah
  • Iyo in la saaro cunuqabateyn dhaqaale

Iyada oo taasi jirta, haddana waxaan soo jeedinayaa in laba shaqo isku mar la qabto (parallel process): Ciribtirka Al-Shabaab iyo dhisidda, sidoo kale tayeenta hay’adaha dowladda.

Yacni in gacan Alshabaab lagula dagaalamo, gacanta kale lagu xoojiyo dowlad-dhiska. Marka aan sidaas u hadlayo waxaan diiddannahay in xukuumadda DanQaran ee Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ku mashquusho kaliya Al-shabaab iyada oo taasi keeni karto in wasaaradaha iyo laamaha kala duwan ee hay’adda fulinta ay is dhigtaan, halkaasna ku joogsadaan shaqooyin muhiim u ah dowlad-dhiska dalka sida daadijinta xukunka iyada oo la dhisayo golaha deegaanada (District councils), bixinta adeegyada bulsho, diyaarinta doorasho qof iyo cod ah iwm. Gacan Al-shabaab aan ku ciribtirno, gacanta kale aan dowlad-dhiska kaga shaqeyno.

Ugu dambeyn, dagaalkan Al-Shabaab lagula jiro waa kii ugu dambeeyey, mana jiri doono mid kale oo ka dambeyn doono. Haddii laga guuleysto kooxdaas mayalka adag, dalka waxa uu gali doonaa laba marxaladood oo bog cusub u fura siyaasadda iyo dowlad-dhiska.

Tan koowaad, waa soo saarista shidaalka. Midda labaad, waa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah. Labadaas arrimood waxay hordhac u yihiin Soomaaliyada cusub oo dimuqraaddi ah, barwaaqana ah.

Xasan Mudane – KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.