Mudane Madaxweyne, Talo ma ogoshahay?

Mohamed Ibrahim - Madaxweyne doorashadaadii waxa ay ahayd mid taariikhi ah maxaa yeelay waxa ay ku soo beegantay waqti xasaasi ah oo ay Soomaaliya ka baxaysay Ku-meelgaarka...
Warar Keydmedia Online

Waxa ayna Dadka Soomaaliyeed doonayeen wajiyo cusub oo waxa ka qabta dhibaatada ka jirta Wadankeena, waadna aragtay sida ay Dadka Soomaaliyeed u soo dhaweeyeen Doorashadaadi iyo tan Gudoonka Baarlamaanka.

Madaxweyne waan ogahay in aad meesha ugu timid Dowladda Magac ahaan u jirta oo aan lahayn Siyaasad cad oo ay ku socoto walibana ay hogaaminayaan dad aan wax badan ka aqoon dowladnimo iyo Maamul, Dhinaca kalena waxa ay iska ahayd Dowlad ku-meelgaar ah oo ay lugaha hayaan kuwa sheegta inay Soomaaliya caawinayaan sida Internatiol Community, Igad iyo Dowladaha dariska ah.

Madaxweyne waxa aan u haystay in Qabyaaladdi dhamaatay dadkuna uu daalay dowladna loo baahan yahay laakin Alqabaliyuun (Raageerashaasha Qabyaaladda)wali waxa ay u hamuun qabaan dagaalo sokeeyo iyo bililiqo cusub, Waadna aragtaa Siyaasiyiinta maamusha Somaliland meesha ay taagan yihiin oo waxa ayba qaarkood yiraahdeen inta aan Soomaliya wax ku darsan lahayn waxa aan ku darsaneynaa Itoobiya (Caqli Marqaan iga dheh).

Waxaa Iyagana aan ka liidan Maalmahan hadaysanba ka Qatar badneyn kuwa Maamula Puntland oo shaqadoodu noqotay Qabyaalad iyo hurin Colaad sokeeyo,Waxa ayna ku waasheen federalism ku salaysan Qabiil, Iyagoo iska indho tirayo baaqyada ka imaanaya dadka Soomaaliyeed ee  Caafimaadka qaba ee ku doodayo in Federaal uusan Xal ahayn,Waxaana tusaale inoogu filan dhoolotuskii faroole ka sameeyey Magalada Nairobi oo u ekaa mid uu ku muujinayo awooddiisa.

Waxaa iyagana aan shar yar dhigeyn Siyaasiyiinta reer Muqdisho iyo Taageerayaashooda oo nabaradii ay ku dhufteen Dadka Soomaaliyeed aysan wali bogsoon iyagoo waliba lagu eedeynayo in ay haysta hanti ay leeyhiin Muwaadiniin Soomaaliyeed hadana eed ula taagan Maalin kasta Siyaasiin Beela kale,Waxa ayna ku waasheen Siyaasiyiinta reer Muqdisho iyo taageerayaashooda Maalmahan ka hadalka fargelinta Kenya halka ay iska indhotireen faragelinta Itoobiya iyo dhibaatooyinka ay ka wadda Soomaaaliya.

Waxaa xarig jiidka Qabiilada ku soo biiray markii ugu horeysey qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomalida Kenya iyo Itoobiya kuwaas oo noqday Afayeenada Amxaarada iyo Kiikuuyada kaaga darane marna waxa ay leeyhiin waxa aan nahay Itoobiyaan iyo Kenyaan marna waxa ay ka hadlayaan Siyaasad wadan kale Iyaga oo aan ka wakiil ahayn Dowladahaasi,Islaamnimadii iyo Soomaalinimadiina waxa ay ka doorteen iney Yiraahdaan dhul dal xor ah waxa aan ka rabnaa Sarsar(Puffer Zone)

Madaxweyne waxaa Iyana aan si siican loo fahmin Dowladnimo waxa ay tahay oo dadka qaar ayaaba Dowladnimada u haysta Qabyaalad,Qaad,Sigaar,Heeso,Munkar,Laaluush iyo Eex,Waxa uuna xaalku u muuqdaa mid faraha ka sii baxayo Iyadoo dib loogu noqonayo Colaaddii sokeeyo hadaanan laga hortagin Maanta.

Gaba gabadii waxa aan leeyahay Umaddan waa soo daashay kumana sii Jiri karaan  dhibaatadan soo jiitameysay 20-kii sano ee la soo dhaafay waxaana loo baahan yahay Isbadal deg deg ah Iyadoo laga faa

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.